18 ka May 1991, Qoraalkii: M J Farah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
18 ka May 1991, Qoraalkii: M J Farah.
May 17, 2014 - Written by Wariye:

Waxay ahay Maalin Sabti ah taariikhduna waxay ahayd 18 may 1991 Markii dhamaan wax garadkii Somaliland ay wada jir u saxexeen in laga bilaabo maalintaasi

aaney waxba ka jirin Midow la moodkii Somaliland iyo somaliya.

Arintaasi waa talabadii ugu muhiimasaneed ee wax garadka Somaliland ay u qaadeen dhinaca wanaaga.

Waxaa la go’aamiyey in dadka iyo wax garadka Somaliland isa saamaxeen dhamaanba dhibaatooyinkii ka dhashay kala duwanshahii aragtiyadii siyaasadeed ee lagu dhexbarey umada wakhtii kali taliskii siyaad bare.

Arintaasina waa talabadii 2 aad ee shirkaasi u qaado dhinaca wanaaga , waana arin taariikh ahay. Arimaasi waa kuwa keenay nabada iyo horumarka Somaliland. Hadii aaney arimaahasi dhici lahayn waxaa dhici lahaa ,Kala aar goosi, dagaalo dhex mara dadkii uu kal qaybiyey

xukunkii keli taliska ahaa .Ururkii SNM arimahaasi xalintooda baal dahaba ayuu ka galey oo muu ka hor iman rabitaankii umada ee walaaleynta beelaha, weliba hormood buu ka ahaa ku dhiirashada talaabadan wanaagsan, oo aan caalamka hore uga dhicin urur hubeesan oo si cadaalada ku  wareejiyey taladii xukunka  eek u timi dagaalo lagu hoobto. Waxaa cad iney ujeedad SNM ahayd xukun doon ay ahaayeen urur ujeedo ka fog leh oo raba iney wax weyn ka bedelaan qaabka iyo nimaamada siyaasadeed ee dalka ,fulinayana ku soo celinta maamulka iyo hogaanka umada si dimoqraatiya. Waxa qof walba si fudud u fahmi karaa waxa ay ku kala duwan yihiin Somaliland iyo somaliya manta taasi waa casharka laga baran karo, daacadnimada iyo maamul wanaaga iyo is cafiga beelaha.Waxaa kale oo halkaasi lagu go’aamiyey in mudo 2 sano ah xukunka gacanta ku sii hayso ururkii SNM oo isku bedelay dawlad ku meel gaara inta laga dooranayo mudo 2 sano ah dawlad cusub, waana abaladhigey oo waxa lagu soo daraybeelihii aan ku jirin SNM markii hore si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

 

Hadaba 18 may 1991-18 may 20014 oo beri ku began waa maalin ku asteysan qaranimada Somaliland oo farxad u wada ah dhamaan umada Somaliland oo helay dawladnimo horumar ,wada jir iyo walaaltinimo. Tani waa run waayo hadii aan maalintaa la dhidbin oo aan maskax caafimaad qabta ka talin manta maxaa ka jiri lahaa Somaliland qofka wax garadka ahi wuu garanayaa in aaney jirtiin, waxbarashada, caafimaadka, nabad gelyada,shaqada, ganacsiga iyo wadooyinka ,dhismayaasha iyo horumarkan guud ee dawladnimo . Tusaale waxaa kugu filan dhibaatada xalka loo waayey ee somaliya taasi waa casharada laga baran karo waayaha iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee aan cidina dafiri Karin marka laga reebo kuwa siyasada u adeegsada arimahooda gaarka ah ee aan kafikirin umada danteeda,kuwaasi waa kuwa abuurida fidmooyinka nabad gelyo darad iyo iska horkeenka umada ku hela dhaqaale badan oo aan akhigu u aqaan siyaasiidta dhiiga dadkooda ka ganacsada(Gafanayaalka Dadka).Kuwaasi waa kuwa neceb 18 may waayo waxay maalintaasi ka hor joogsatey dhiig baxa dadkooda oo ay xoolo badan ka heli lahaayeen dagalda sokeere ee ay abaabulaan.

 

Sida aan u arko waxaa muhiima in la baro dayarta taariikhda Somaliland, laga akhriyo goobaha lagu xusayo 18 may taariikhda maalintan iyo waxa sabay in la helo maalintan ,halgankii loo soomaray, horumarka ka dhashay  go’aan qaadashadii maalintan iyo weliba halisaha laga badbaadey. Ugu dambeyntii 18 may waa maalin qaran ee maa aha maalin SNM Laakiin waxay ku timi fikirka waxgaradka Somaliland oo dhan oo ku shiray magaalada burco, iyada oo aaney jirin qasab iyo xoogtoona. SNM na way ku raaceen rabitaankaas ka yimi wax garadka Somaliland.

 

    Waad Mahadsantiin Dhamaantiin

Qoraalkii:  M J Farah

Political Analyst

Wajaale News
Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS