|
|||||
WAJAALE NEWS
Mayerka Caasimada Hargaysa Oo Xadhiga Ka Jaray Biyo Mareen Cusub Oo Ay Ka Hir Galisay Shirkada Dhismaha Ee Jano Gale.
May 10, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Moyarka Caasimada somaliland ee hargaysa ayaa maanta xadhiga ka jaray biyo mareen laga hir galiyey dagmada Maxamuud Haybe oo dhistay shirkada Jano Gale Constarction Company.
“Aniga oo ku hadlaya guddida xaafada ee biriijka saddexaad ee magaalada hargaysa,maayar kolay sidaad aragto waxa uu ilaahay inoo suuro galiyey sidaad aragto hawshii aynu mudada dheer ka wada soconay xaafada iyo dawlada hooseba iyo gaaro ahaan jumciyada Manhal oo iyana ka qayb qaatay waxa u uruurinta biriishkan,runtii ilaahay ayaa inoo suuro galiyey waxaana ay u mahad naqaynaa ilaahay adiguna maayar balan qaadkaagii waad ka dhabayse ee aad natidhi magac danbe naluugu bixin maayo meeshan tariikhdeeda dib ugu noqon mayno.
Gabo-Gabdii waxa soo gunaanaday munaasibada Engineerka dhisaya Biriishka eng Cabdi baasid Janogale waxaana uu yidhi” “Halkan Aanu Dhisnay dadku dhib badan ayey ku qabeen waxa ay ahayd dariiq hal-bole ah oo isku xidha Saylada iyo suuqa dhexe,biyaha ayaa fadhiisan jiray runtii ka shirkad ahaan Jano Gale Constraction Company markii nala yidhi meeshaas soo eeg oo xalkeeda soo helay,waxaan bilawnay inaanu qaadno sarfay ogaanan sababtay ay u fadhiisteen biyuhu taas waxa ay noqotay beer godan oo ay biyuhu fadhiistaan ka dib meeshii guro ayaa laga dhisay korna meesha looma kicin ee waa lagaabiyey ka diban biyihii ayaa fadhiistay. Engineerka dhisaya Biriishka eng Cabdi baasid Janogale oo hadalkiis sii wat ayaa waxa uu intaasi ku daray” “waxaanu ogaanay inaanay meeshaasi biyaha fadhiisinka noqotay aanay ka maarmayn biriish,kadibna waanu isku hawl-nay waxaan samayn biriish 200 oo mitir ah oo aanu dusha ka daboolnay,taas waxa lagag raystay roobakii dayey hada,biyihina toos ayey uga baxeen meeshii aanu ugu talo galnay mar danbena mafadhiisan doonaan,waxaanu diyaar u nahay ka shirkada ahaan waxa kasta oo lagag qayb qaadanyo arimaha bulshada oo dhan. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|