Xukuumadda Somaliland oo Saldhiga Dhexe ee Burco u taxaabtay koox guranaysay Macdanta Gobolka Saaxil Ceegaagta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo Saldhiga Dhexe ee Burco u taxaabtay koox guranaysay Macdanta Gobolka Saaxil Ceegaagta
April 2, 2014 - Written by Editor:

BURCO(Wajaalenews);13 qof oo isugu jira Ajaanib cadaan ah, Afrikaan iyo Reer Somaliland oo laga soo qabtay xeebta Badda Berbera iyaga oo afar Landcruiser wata ciidamo Booliis ah ayaa habeen hore ka soo kaxeeyey Buuralayda Xeebta badda Berbera saddex iyo toban nin oo isugu jira Ajaanib ka koobnayd Cadaan iyo Madaw iyo koox kale oo Reer Somaliland oo gadhwadeen u ahayd oo ku bahoobay in ay Macdan ka gurtaan Buuralaydaasi.

Kooxdan oo wadatay afar gaadhi oo Landcruisero ah waxay kaga dhaadhaceen xeebta Berbera dhinaca Burco, waxaana la qabtay iyagoo deegaanka Buuralayda ah ee dhinaca Xeebta hawl-galo aan la aqoonsan oo ay ugu horayso Macdan gurasho si qarsoodi ah uga bilaabayey.

Kooxdan ayaa shalay lagu xidhay saldhiga Burco, wallow warar danbe oo na soo gaadhay ay sheegayaan in markii danbe lagu xidhay Hotel ka mid ah kuwa ku yaala magaaladda Burco, kadib markii kooxdaasi iyo Booliisku is-faham ku meel gaadh ah ka gaadheen xadhigooda.

Kooxdan ayaa la sheegayaa in ay ku doodayaan in ay sifo sharci ah kaga hawl-galayeen Buuralaydaasi hase yeeshee Booliisku waxay wali ku wadaan baadhitaan, illaa hadana lama oga qaabka iyo dariiqa sharci ee ay u cuskanayaan hawl-galka lagu soo qabtay, inkasta oo wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay sitaan Juwano lacag Doolar ahi ku qoran tahay oo ay ku doodayaan in ay tahay sharciga ay sitaan.

Gobolka Togdheer oo u kuur galay kooxdan ayaa sheegay in la adkeeyey warbixin in laga helo, hase yeeshee waxa uu sheegay in wararka uu ka helayaa ay sheegayaan in nin u dhashay gobolka Togdheer uu kooxdan wato isla markaana hawshoodu baadhis ku jirto.

Saraakiisha Wasaaradda macdanta iyo Tamarta oo aanu wax ka weydiinay kooxdan ayaa gabi ahaanba iska fogeeyey in ay la kulmeen isla markaana sheegay illaa hada in aanay ka war hayn meel ay dalka ka soo galeen

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO WARGAYSKA WAHEEN

COMMENTS
LINKS