Xukuumadda oo baahisay Qandaraaska Diiwaangalinta Madaniga ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo baahisay Qandaraaska Diiwaangalinta Madaniga ah
April 2, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Qandaraasyad qaranka iyo Guddida Farsamo oo la kala wareegay qaabka iyo Agabka looga baahan yahay Shirkaddaha ku tartamaya

Hargeysa(Wajaalenews)  Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland  ayaa shalay  kala Wareegtay Bixinta Qandaaraska  Diiwaan Galinta Muwadiniinta Somaliland (Somaliland Smart Card ID), Gudidii Farsamo ee uu bil ka hor madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay  isku dubaridka hanaanka ay Diiwaangalintu u qabsoomayso, waxaanay Guddida qandaraasyadu sheegeen in ay si rasmi ah ugu furan tahay tartanka loo galayo cidii hawshaasi fulin lahayd, haddii ay qalab noqoto iyo wixii kale hawshaasi lagu qabanayaba.
Sidaasi waxay ku sheegeen Shirjaraa’id oo si wadajir ah ay u qabteen Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland  iyo Gudidii Farsamada Diiwaangalinta Madaniga ah.
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ahna guddoomiyaha gudida farsamo ee diiwaangalinta madaniga ah Cabdisamad Cumar Maal oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Hadaanu nahay gudidii farsamada oo awood ka haysata gudida hogaaminta diiwaangalinta qaranka , waxaanu mudadii bisha ahayd ee aanu magacawnayn ku hawl-lanayn inaan dhamaystirno nidaamka ay diiwaangalintu noqonayso iyo qaabka aynu u fulinayno bilow ilaa dhamaad, shaqaalaha fulinayaana kuway noqonayaan iyo agabkii ay ku shaqayn lahaayeen ayaanu mudadaas aanu ka shaqaynaynay, waxaana noo soo gabogaboobay wixii qalab loo baahnaa iyo nidaamkii lagu dooran lahaa, waxaanan soo gaadhnay in wixii shirkado ah ee danaynaya nidaamkan aanu soo dhamaynay ee diiwaangalinta inay ka soo qab galaan, kaas ayaanan maanta(Shalay) ku wareejinaynaa gudida qandaraasyada inay noo baahiyaan.”
Waxa kale oo uu intaasi ku daray  “Dabadeedna ay yimaadaan kanbaniyada danaynaaya ee awoodeedii dhaqaale, farsamo iyo aqooneedba leh, inay shirkadahaasi soo dalbadaan oo ku tartamaan qalabkaas nidaamka diiwaangalintu ku shaqayn lahayd. codsigaas kadib ayaa la kala qiimaynayaa oo la kala xulanayaa, qoraalkan ayaanu ku dhan yahay kanbaniga la rabaa nooca uu noqonaayo, waxa laga rabo ee uu soo gudbinaayo, aqoon, farsano iyo qalab ahaanba waxa uu sitaa intay tahay, ujeedada loo socdaana waa cadaynta muwaadinka oo aanu qofku laba jeer qaadan karin, waa inuu qalabkaasi noqdaa mid ka casriyaysan kii hore ee aynu naqaanay oo xogta macluumaadka qofkaas oo dhan ka dhigi kara mid amaan ah, kaadhkiisa aqoonsigana muwaadinku waxa uu uga faa’idaysan doonaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo waxii kale ee uu muwaadinku hawlo ku fushan karaba, ayna xogtaasi noqoto furaha hormarka dalka, oo lagu fadhiisiiyo horumarka iyo waxii mashaariic ah ee la fulinaayo. Waxaanu halkan u joognaa inaan guddoomiyaha qandaraasyada ku wajeejino RFP-gaas oo aad noo baahisaan hawshiina’na aad ka gudataan.”
Guddoomiyaha Gudida Qandaraasadka Somaliland Cabdilaahi Xasan Nuugaal  ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayan Bixinta qandaraaskaasi uuna u furan yahay cid walba waxaanu yidhi.“Waxa sharaf noo ah inay si rasmi ah noogu soo wareejiyaan gudidii farsano ee loo diray hawshaas wixii dhukmanti ah ee hawshaas ku saabsanaa. anagu gudi ahaan waxaanu ka shaqayn doonaa sidii aanu hawshan maanta(Shalay ) baahinay ay u socon lahayd, dhokumantigii oo qorana cidii u baahata waanu siin doonaa iyada oo shabakad ku qorana waa ay jirtaa oo waa la heli karaa, markaas inta u badan ee danaynaysa hawshaasi waa inay ka soo qayb gashaa waxaanu ku dardaarmaynaa in cidii ay u suurto galaysaa uun inay hawshaas ku shaqaysataa uun ay soo dirto, wakhti uu dhacayo ayaanu leeyahay oo ay ku eegtahay baahintu, waxaanan doonaynaa in hawshu si deg deg ah ay ku dhamaanto, waxa uu noqon doonaa wax aanu qofna ka shakiyin oo dhex dhexaad ah.” Ayuu yidhi

HARGEISA SOMALILAND

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS