Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo Qabyaaladda Ma Taqaanno, Waxaana Caddayn U Ah Ciddii Ugu Badsatey-baa Ugu Cay Badan..” Xildhibaan Nac-nac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo Qabyaaladda Ma Taqaanno, Waxaana Caddayn U Ah Ciddii Ugu Badsatey-baa Ugu Cay Badan..” Xildhibaan Nac-nac.
April 11, 2014 - Written by Editor:

wasiirka arrimaha debadda leh, ee waxbarashada leh ee intaas oo mareeye lihi muxuu qof kaliyi dawladda uga difaaci waayay. Aniga xumaan igama aha laakiin runtaan Nuux Ismaciil u sheegayaa,

HARGEISA(WAJAALENEWS);Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,  ayaa ka hadlay xayiraadda la saaray Wargayska Madaxa Mar uu warbaahinta lahadlayay

 

isagoo ka hadlayaa xayiraadda Wargayska Haatuf wuxuu yidhi “Xorriyadda saxaafadda ee ka jirta Somaliland meel adduunka la mid ahi ma jirto, aadamaha xad qabtaa oo aan sharciga Alle iyo mid u qoran ahayni ma jirto, Somaliland waa la isku caaya, waala isku  baadaa, way jiraan qaar wanaagsan laakiin meel halis ah ayay maresysaa (saxaafaddu), haddii lala hadlana waa macsuumin oo khaladkaba ma qaatan, bal adeer saxaafadda Afrika eeg, bal Geeska aynu ku naalo eega. Yuusuf Cabdi Gaboobe wuxuu doono oo aanu caddaymo u haynin ayuu bil qoraayay, anigu Yuusuf Gaboobe waan jeclaa inan Mujaahid ah ayuu ahaa, laakiin waan u hiilinaya oo waan ka naxaya oo waa walaalkay ileen ummad Muslim ah baynu nahee, illahay hortii wuu khaldamay dad dhan buu cirdigooda macmiil ka dhigtay. Qofku wuu khaldamaye waa la qabtaa. “

Xildhibaan Nac-nac oo ka hadlaaya masuuliyin Xukuumadda ka tirsan oo ku fashilmay inay ehelnimo iyo islaamnimo wuxuun ku qabtaan wuxuu yidhi. “Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo mid qabyaalad ku dhaqanta maaha, cidda tidhaahdana si lillaahi ah u may odhan, Madaxweyne Axmed Silaanyo isna maaha shakhsi qabyaalad iyo musuq maasuq waligiiba lagu xantay, Waxaana ku caddaynaysa ciddii ugu badsatay ayaa ugu cay badan, beesha Mulkiilaha Haatuf  saamiga ugu badan iyagaa haysta, waxaase yaaba oo aan is waydiinaya sababta ay waxba uga qaban waayeen. doorashadii deegaanka Cabashadii Xaqsoor waanigii ku dhiiraday ee tolkay idhi qaata natiijada iyadoo dadku cirkaas marayaan, wixii igu dhacay waa la ogaa, guul wadayn igamay ahayn,  waxba  kumaan doonayn, laakiin hiilkii islaamka ayay iga ahayd, Mar haddii Siilaanyo 80 cod kursi Madaxweyne ku hambalyeeyay in tolkay aqbalaan natiijada ayay iga ahayd.  Maanta intaas oo xil ee wasiirka arrimaha debadda leh, ee waxbarashada leh ee intaas oo mareeye lihi muxuu qof kaliyi dawladda uga difaaci waayay. Aniga xumaan igama aha laakiin runtaan Nuux Ismaciil u sheegayaa, isku heli maysaan inaad dawladda badsataan dhibteedana ka aamuustaan.  Qolada reer Gabilay iyo oogadu xagga qabashada way ku horeeyan, xumaan igama aha, laakiin waa in aynu xaqiiqda isu sheegnaa.  Waayo dadkeenu waa beelo oo wakaas KULMIYE ergada ku qayb sanayo..”

Xildhibaan Nac-nac, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo siyaasiyiinta Madashu shalay u jeediyeen xukuumadda “Odayaasha madasha waxaan leeyahay bikuli ixtiraam laga wanaagsan in dhibaato uun la fadho, dalkeenu waa curdin, odaygaa Siilaanyo ee aad saaxiibka ahaydeena wuxuu dalka ka qabtay Alle iyo ummaddu way ogtahay, reer Boorama 50 sanno ka dib waakaas waddo la’aantii ka xoreeyay, Ceerigabo waakaas bilaabay,  Hargaysa maanta Caasimadaha adduunka ayay la dhismayaal tahay. Dawladda oo xafiisyadeedi ka dhigtay qaar u qalma qaranimada, derajooyinkii ciidanka, Ictiraafkii waakaas hadda la inna qirayo, waxaan Odayaasha leeyahay ma qaylo iyo buuqii 1993-kii ayaynu galnaa, waxaas oo dhan oo jira wax ka badan oo inaga dhimani way jiraane si kale oo aan qaylo iyo aflagaado ahayn aynu isugu sheegno.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

XIGASHO SOMALILAND TODAY.”

 

COMMENTS
LINKS