Xukuumada S Sudan oo sii daysay siyaasiyiin mucaarad ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada S Sudan oo sii daysay siyaasiyiin mucaarad ah
April 25, 2014 - Written by Editor:

JUBA(WAJAALENEWS);Dabbaal degyo ayaa ka dhacay dibedda maxkamadda kaddib markii siyaasiyiintan South Sudan la sii daayay

Mas’uuliyiinta South Sudan ayaa xabsiga ka sii daayay siyaasiyiin sarsare oo loo haystay inay ka dambeeyeen “isku day afgembi” oo dalkaas ka dhacay bishii December ee sanadkii tegay.

Tallabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii dowladda ay meesha ka saartay dacwad khayaano qaran ah oo ka dhan ahayd raggan.

Afartan siyaasi waxaa ka mid ah Pagan Amum, oo hore u ahaa xoghaya guud ee xisbiga talada haya ee dalkaas ee SPLM.

Fallaagada hubaysan Dhamaan mas’uuliyiintan ayaa beeniyay eedeymaha ah inay qeyb ka ahaayeen wax afgembi ah oo dalkaas ka dhacay.

Toddoba kale oo raggan lala xiray ayaa bishii koobaad ee sanadkan ee January la sii daayay.

Sii daynta siyaasiyiintan ayaa ka mid ahayd dalabyada mucaaradka daacadda u ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS