|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Lawareegtay Xaruntii Wargayska Haatuf Iyo SOLJA) Oo Si adag u cambaaraynayaa falka Foosha xun Ee Xukumadu kula kacday Xarunta Haatuf
April 7, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Ciidamo ayaa goor dhaweyd la wareegay Xarunta Wargeyska Madaxa Banaan ee Haatuf, kuwaas oo ku amray hawlwadeenadii in ay shaqada joojiyaan. Tifaftiraha guud ee Wargeyskaasi Axmed Cige oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in ku dhawaad 60 askari oo hubaysani ay la wareegeen Xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo hawlwadeenada ku amray in ay ka dareeraan xarunta Wargeyska. Waxa uu tilmaamay in abaara 4:15 galabnimo loo keenay Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Axmed Ismaaciil, isla markaana ay hada xarunta gaadh ka hayaan ciidamadaasi Dhanka kale ururka suxufiyiinta somaliland ee solja ayaa warsixafadeed ay soo saareen ku canbaareeyay falkaa wuxuna u dhignaa sidan; Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES.
Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.
Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka,
Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso, oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba,
Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin
Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto.
ALLAA MAHADLe
XASAN MAXAMED YUSUF GUD: URURKA SUXUFIYIINTA SOMALILAND WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|