Xukumadii Kulmiye waxay noqotay Hal-Abasaxday Jiilaal horaantii! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadii Kulmiye waxay noqotay Hal-Abasaxday Jiilaal horaantii!
April 6, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);Ugu horayn waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga aragtida dheer ee Somaliland gude iyo dibadba: Asalaamu calaykum. Intaas ka dib, waxa loo ham-iyo-digleeyay, ee dawladii la miyir doorsoontay hadana shacbigii fahmi layay waa maxay? Markaynu u kuur galno waa sidatan: miyaanay la yaab ahayn dadkiina Ayax iyo Diif iyo Shaqo la’aan ayuu ka sheekaynayaa. Tii Dawlad ahaydna Sheffeild iyo Aqoonsi Tuulo!

Ka bilaw: SHEFFEILD IYO WAXA LOOGA JEEDO

Horta waxaan shaki ku jirin inay dawladu wayday wax yar oo fursada oo u saamaxa mudo kordhin. Way isku dayday laakiin waxay indheer garad siyaasiyiin ah, oo la yidhaa Group 8 (G8) si ba’an u hordageen mudo kordhinta. Arintan waxa looga faa’iidaystay Qanaca Shacbiga kaga dhacay Dhadhanka Xukuumadan Kulmiye. Muraadkii Mudo-kordhin markii halkiisa lagu curyaamiyay, waxay Ilma-Iswanaaje soo dhigeen sheeko aad iyo aad gunteedu u dhawday oo la yidhaa: Sheffeild Story! Dadku maaha xayawaan, way garanayaan inay tahay farsamo lagu doonayo Muda kordhin, oo loo sibirsaarayo ama lays leeyay dadwaynaa doorashada sugayaa ha yidhaaheen: Waar Siilaanyo ictiraafkiiba waakan soo dhaweeyee haloo kordhiyo! Taasna ha sheegin. Waxase layaableh, sababta ilaa maanta aan loo shaacin inuu siilaanyo yahay Musharaxa Rasmiga ah ee Kulmiye! Qoladaa laakiin G8 iyo Mucaaridkayaga mayalka adagi waanu ognahay sababta.

 

Ku xigsii: DIIWAANGALINTA WADANIGA IYO OROMADA

Midi hadal ma laha oo waa diiwaangalinta Codbixiye yaasha muwaadiniinta ah.

Hadaba tan kale, ma ogtihiin Dadwaynoow  in Dawladu ka dharagsantahay in cid u codaynaysaa aanay jirin? Si ay taas meesha uga saaraan, hada waa sida tuhunkoodu yahaye, ayaa waxay barbar eryayaan Diiwaangalintii Codbixiye yaasha (Voter Registration) mid kale oo la yidhaa: Diiwaangalinta muwaadinka, waji kalena wayleeday oo 3 $ being charged for each citizen.

 

Waxay ka leeyihiina waa laba ujeedo:

 

1-    In Ilma-Sheffeild iyo wixii la caano maala ee qurbaha jooga la yidhaa kaalaya qaata Kaadhadhka, dabadeedna ay soo dhigaan fikir odhanaya: Qofka codaynayaa waa inuu kaadhka muwaadinka sitaa waanuu ku codayn karaa kaligii . Xigmada ku jirtaa waa maxay? Waxay tahay, kaadhkii muwaadinka ilaa Oromada ayaa loo miisayaa , waxa kale oo loo miisayaa qurba joog badan oo wax loo magacaabay – sababtaan u leeyay wax waxay tahay, dee Official Title-ba ma jiro ay bixisaa oo waxkasta Digreeto ayay ku magacaabeen, waanay ka badantay dhagxantan ay dhigaan!

 

2-    Ogaada dadwaynoow: Waxa iskuulada dalka ka buuxa Oromo aad u badan, waxa kasii daran Af-keena waxay ugu hadlaan sida dadkeena, ma jiro sharci iyo karaan dawladnimo oo lagu xakameeyaa, siday kusuuro galaysaa Diiwaangalin Muwaadin ?

 

Ku xigsii: XAAJI CWARAABE IYO U OLOLAYNTA SIILAANYO

 

Xaajigu waa oday wayn oo ruugcadaaya, bal sida hadalka uu rabo inuu M Biixi u deeqsiiyo u fiirso:

 

‘’Maanta hadii madaxweynuhu soo galo musharaxnimada kulmiye, cidna la tartami mayso’’ Ayuu yidhi Xaajigu isagoo u jeeda ina biixi iyo xulufadiisa.

 

Markale xaajigu isagoo dadwaynaha isleh u sheeg in siilaanyo ka horeeyo cida isla sharaxaysa ee Axsaabta mucaaridka wuxuu yidhi: ‘’Dalku wuu kala xidh-xidhnaa wakaa siilaanyo u galay halkii ugu muhiimsanayd ee wadooyin dhisay, waataasoo idaacadiina way gaadhay meelkasta”.

 

Xaajiga waxaan odhan lahaa: Adeer ilaahay haku daayee, bal marka aad gurigaaga kusii socoto baabuurka aayar igu wada dheh. Waayo? Wadadii Caasimada ee laamiga ahayd Geelaa ka caba oo Xorfadaa ku yaale ! Midkalena adeer umada u sheeg oo ka raali gali oo waxaad tidhaa: Raali ahaada Goor ay gacanntii kululayd ee KULMIYE ku dhacday hantidii qaranka, ayuu madaxwaynuhu Digreeto ku joojiyay inaan la iibin hantida qarankee!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Ku xigsii: KULMIYE OO NOQDAY..

 

Ugu dambayntii KULMIYE horta ma aqaan waxa loosoo gaabiyay, laakiin markaan eegay wuxuu u eegyahay ama la mid yahay magaca kulmiye: ISKA SAMRA INTAAN TAGAYO.

 

Maxaydin u malayn Xisbil Xaakim 3 jeer iyo 4 goor oo dambe shirwaynihiisa dib loo dhigayo, miyaanu ahayn ama ka dhignayn: Gabadh uurleh oo ilmihii ku waynaaday – if the case is so, then she can neither have normal delivery nor healthy new-born-baby.

 

Isku soo wada duuboo, Cay iyo Aflagaado waydin dhitaysateen ilma-iswanaajoowe, inyar oo kaftana waxaan idin leeyay: Marka Dadkii iyo Dalkii ay isugu darsameen Ayax iyo Hogaan Indhali’I, Waliba hadana isu sacabinaysaan ee isu mashxaradaan, waxaan odhankaraa Xukumadiinu waxay la mid tahay: HAL ABASAXDAY JIILAAL HORAANTII. Salaamu calaykum.

 

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.

 

SANWAA CUMAR YARE

 

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

COMMENTS
LINKS