Xukumada Somaliland oo Sheegtay in Hal Askari kaga dhintay Dagaal dhex maray Ciidan iyo kooxo Argagixiso oo doonayey in ay ka baxsadaan jeelka Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumada Somaliland oo Sheegtay in Hal Askari kaga dhintay Dagaal dhex maray Ciidan iyo kooxo Argagixiso oo doonayey in ay ka baxsadaan jeelka Hargeysa.
April 20, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Wasiirka Wasarada Cadaalada Md. Xusseen Axmed Caydiid ayaa cadeyey in hal Askari uu ku dhintay Mid kalena ku dhaawacmay Dagaal Culus oo  ka dhex qarcay Ciidamada Ilaalada Xabsiga iyo Kooxaha Argagixisada iyo Budhcad badeeda  ee ku xidhan Jeelka Weyn ee Hargeysa.

Wasiirka oo la hadlayey Idaacada BBC ayaa sheegay in ay ciidanka Ilaalada Xabsiga ee Asluubta Somaliland ay ku guuleysteen in ay Xaalada Xabsiga Dejiyaan oo ay gacanta ku dhigaan Dhammaan Maxaabiistii Argagixisada iyo Budhcadbadeeda ee doonaysey  in ay baxsadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in uu wakhtigan ku sugan yahay jeelka oo ay ku guuleysten Dagaalkii

meesha ka dhacay in ay dajiyaan oo ay Argagixisadiina soo qabtaan.

Arintan ayaa ah mid ku cusub somaliland oo jeelasheedu xafidan yihiin dhawan ayay ahayd markii nin maxbuusi kabaxsaday saldhiga dhexe eemagaalada hargeisa kaasi oo aan wali meel uumaray aanay lasharixin

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS