|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Markii Ugu Horaysay Wada Hadalo U bilaabmay Siyaasi Cali Khaliif Galaydh
April 15, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(WJN)Xukuumada somaliland o markii ugu horaysay ka hadashay wada-hadal la sheegay in uu u bilaabmay iyaga iyo siyaasiga caanka ah ee cali khaliif galaydh oo ah masuulkii aasaasay maamulka khaatumo state, xilal waa weyn ka soo qabtay dowladihii tagta darnaa ee muqdisho. Wasiirka wasaarada khayraadka biyaha somaliland xuseen ahmed cabdule oo maanta waraysi gaara siiyay telefishanka qaranka somaliland SLNTV waxaanu qiray wadahadalka u socda siyasiga iyo dowlada somaliland, waxaanu yidhi CALI KHALIF waa nin weyn oo siyaasi ah waana nin ree somaliland ah, somaliland saaxiibo badan ayuu ku leeyaha dad badan oo ay soo wada shaqeeyeena maana xilal ayay ka hayaan xukuumada waanuna soo dhawaynaynaa wada hadalkaasi, xukuumadu way soo dhawaynaysaa cid kasa oo somaliland dan u ah dhibna malaha haddii la wada hadlo oo la heshiiyo. WASIIRKU waxa u intaasi ku daray oo yidhi ‘ Wada-hadalka ay xukuumadu la furta cali khaliif waa mid furan oo aanay wax dhib ahi ku jirin, dadkuna inta badan isku mowqif ma noqon karaan aragtiyo kala duwan aya ala kala aaminsanaan karaa, waanan soo dhawaynayaa wada-hadalka cali khaliif galaydh’ hadalkan xukuumaddu ku shacinayso wada hadalka ay la fureen siyaasiga cali khaliif galaydh, waxa uu ku soo aadaya sansaan colaadeed oo qarka u saaran dagaal oo ka jirta deegaanada bariga fog ee somaliland gaar ahaan taleex iyo meelo kale oo ka agdhow waxaana halkaasku hirdama ciidamada qaranka somaliland oo difaacanaya dhulkooda iyo ururka khaatumo.
Wajaalenews.net
hargeisa/office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|