Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Mukhtaar Mure U Magacaabay Afhayeenka Qurbejoogga, Golaha Fulintana Ku Daray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Mukhtaar Mure U Magacaabay Afhayeenka Qurbejoogga, Golaha Fulintana Ku Daray
April 5, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS

Warsaxaafadeed uu ku saxeexanyahay kusimaha gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiye ku xigeenka koobaad Md. Axmed Muumin Seed ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Mure Warsame loo magacaabay Afhayeenka Qurbejoogga Xisbiga WADDANI isla markaasna lagu daray Golaha Fulinta Xisbigaas.

Mukhtar Mure ayaa hore u hayey xilka Afhayeenka waddanka maraykanka ee xisbiga WADDANi ayaa hadda noqonaya afhayeenka Qurbejoogga Xisbigaas, Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

“Waxaan manta oo taariikhdu tahay 5 April 2014 aan u magacaabay Md. Mukhtaar Mure Warsame in uu noqdo Afhayeenka Qurbejoogga Xisbiga WADDANI isla markaasna lagu daray Golaha Fulinta Xisbiga WADDANI.

Waxan ilaahay uga baryeynaa in uu ku soo biirin doono xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah iyo in uu ku soo kordhin doono waayo aragnimadiisa.”

ALLAA MAHAD LEH

Md. Axmed Muumin Seed

Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad

COMMENTS
LINKS