xisbiga kulmiye oo tiro ku daraya ergooyinka kasoo qayb galaya shirwayanaha xisbiga ka dib cabashooyin badan oo ka yimid beelaha iyo muran wali ka taagan ergooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
xisbiga kulmiye oo tiro ku daraya ergooyinka kasoo qayb galaya shirwayanaha xisbiga ka dib cabashooyin badan oo ka yimid beelaha iyo muran wali ka taagan ergooyinka
April 1, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa shalay kulan xaasaasi ah ka yeeshay qaybinta Ergooyinka ka soo qayb gali doona Shirweynaha kuwaasoo dhawaan

guddida qaban qaabadu dhawr jeer kordhisay tirada Guud ee Ergooyinka, balse muran iyo khilaaf ka dhashay darteed waxa ay shalay hogaanku ku

kordhiyeen laba boqol iyo labaatan Ergay oo dheeraad ah.

Tirada guud ee Ergooyinka ayay korodhsiimada shalay ka dhigaysaa kun boqol iyo kow iyo Lixdan Ergay (1161), taasoo tirada korodhsiimada ah eek a

muuqata loogu daray Goboladdii cabashada ka muujiyey talo soo jeedintii Guddida qaban qaabada oo 941 Ergay ku fadhiisiisay tirada Guud.

Kulanka shalay oo aroornimadii ku qabsoomay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa la sheegay in khilaaf iyo Dood adagi

ku dhex martay Hogaanka, taasoo sababtay In Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka cadhoodo shirka.

Sida Xeerka Xisbiga Kulmiye dhigayo Hogaanka Xisbigu waxa uu qorshahan cusub u gudbin doonaan Guddida Fulinta Xisbiga kuwaas oo ka gaadhi doona

go’aanka kama danbaysta ah ee lagu hawl-geli doono.

wajaale.net

COMMENTS
LINKS