Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Oo Cambaareeyey Falka Lagula Kacay Wargayska Haatuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Oo Cambaareeyey Falka Lagula Kacay Wargayska Haatuf
April 7, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey, warsaxaafadeed uu goordhaweyd soo saaray xisbiga UCID ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

WAR SAXAAFADEED

Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan (Xarunta Wargeyska Haatuf Oo Sifo Sharci-Daro Ah Lagula Wareegay)

 

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkaa Badheedhka,Awood Sheegashada,Sharci-Jabinta iyo Indhala,aanta Ah isla Markaana Markhaatiga U ah In Aan Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Aaney Ixtiraamey

 

Iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan

Xisbiga Ucid Wuxuu Aamin Sanyahey Falkaa Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Haatuf In Uu Ka Dhashey Hantida Qaranka Ee La Musuq Maasuqey Ee Uu Wargeysku Si Muwaadinimo Ah Tooshka Ugu Ifiyey Iyo Dhaliilaha Wax Lagu Toosinayo Ee Mucaaradka Oo Uu Si Fiican U Qorayey

 

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu

 

Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey,

Sida Sharcigu Sheegayana Waxaa Xukuumada Looga Baahnaa Hadii Ay Dacwad U Qabto Wargeyska, In Wargeyska Haatuf Oo Shaqeynaya Maxkamada Looga Yeedho Isla Markaana Sidaa Dacwadoodu Ku Socoto ilaa Inta Danbi Kaga Hor Cadaanayo Maxkamad Sharciya

 

Sidaa Daraadeed Waan In Xukuumadu Si Deg Deg Ah Ciidamada  Uga Dulqaadaa Xarunta Wargeyska Haatuf Ee Sifaha Xaaraanta Ah Lagula Wareegay,Loona Soo Celiyaa Madax-Banaanidiisii Shaqo, Sida Ugu Dhakhsaha Badan Leh

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Uga Digayaa Xukuumada Talada Haysaa Ku Xad Gudubka Dhamaan Xoriyatul-Qawlka Iyo Ku Tumashada Xuquuqda Saxaafada Ee Soo Noq Noqtey, Tusaale Ahaan Waxaa Ilaa Maanta Sifo Lagu Haysto Aynaan Garaneyn Wargeyskii Hubaal,Sidoo Kale Waxay Xukuumadu Xidh Xidhey  Wariyayaal Gaadhaya Boqol in Ka Badan Sadexdaa Sano Ee Ay Talada Dalka Haysey

Taas Oo Uu Xisbigu HAATAN Uu Arko Waxaan Loo Dul Qaadan Karin

 

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID

 

Md: YUUSUF KAYSE ALL/AHI

COMMENTS
LINKS