|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Qabile Waa Xalaal Cun Oo Marna Khasab Kuma Balweyn-Karo. Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK.
April 13, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Hadaba Su’aasha ay reer Saaxil is weydiinayaan ayaa ah, Hadii ay maanta Gobolka Saaxil ka bilaabanto sidaa hada dhacdey Wanjalaad
Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan ku ah xukuumada Siilaanyo in ay ku fashilantey dhacdadii labaad ee lagu wanjalaayey Xildhibaan Mohamed Faarax Qabile. Waxaa ummada Maanta u-cadaatey in duufaanada, shirqoolada,wanjalaada,khilaafyada iyo dabin isu maleega ka dhacay magaalada Berbera iyo guud ahaan JSL uu ka soo burqanaayo xubno idman oo ka mid ah hawlwadeenada xukuumada Siilaanyo ay u-xanbaarisey xilalka aaney qaadi karin.. Waxaa mar-labaad fashilmay bishan markey taariikhdu aheyd 11/4/14 dhacdadii labaad ee lagu wanjalaayey Xildhibaan Mohamed Faarax Qabile kadib markii ay Xukuumadu iibsan kariweydey ee uu ku noqdey laf-dhuun-gashey isaga oo si caadi ah u-gudanaaya shaqooyinkii loo igmadey oo ah in uu xukuumada naqdiyo oo uu ku toosiyo toobiyaha toosan marka ay turunturooto ama taraartaba. Hadaba Su’aasha ay reer Saaxil Waxaan leeyahay Xukuumada Siilaanyo ee deman,dareen nugul Miyaaney ogeyn saameynta ay ku leedahay arintaa fashilantey ee soo noqnoqtey bulshada qeybaheeda kala duwan gudo iyo debedba? Miyaaney ogeyn saameynta taban ee ay ku leedahay Amniga, Xasiloonida iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka, dalka iyo duruufaha maanta taagan ee inagu xeeran iyo danta guud ee qaranka iyo baahiyaha togan ee loo qabo in la dhawro xasinoolida iyo wadajirka shacabka reer Somaliland? Waxaanu cod dheer ku leenahay Xukuumada cidii dhacdadaa dhiilada iyo dhimashada leh ka danbeysey waa in sida ugu dhakhsaha badan Xukun lagu ridaa oo sharciga wadanka u-yaala la hor-keenaa si arintaa loo soo afjaro hadii kale Waxay galaafandoontaa inta dibirsan iyo inta doobineysa ee dhibishaxleyneysa ee ku cireysatey duufaanada iyo dabin isu maleega siyasadeed ee xukun jaceylka awgii illaawey diintoodii iyo aakhiradoodii.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Intensive ED BD PA United Kingdom London COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|