|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo Duray Soo Dhawayntii Garaad-ka Dhulbahante, Soo Saaristii Ciidanka Qaranka Taleex iyo Masuuliyiinta Gabiley ee Baadhay Sirdoonka Itoobiyaanka.
April 20, 2014 - Written by Editor:Bashiir Tukaale Wuxuu xusay go’aanka Shirkadaha isgaadhsiintu Kaga Xidheen Wargayska Haatuf Internetkii cadaynayso inay lumiyeen dhex-dhexaadnimadii iyo kalsoonidii… Hargeisa (Wajaale News):- Xoghayaha Arimaha Gudaha, Difaaca Nabad-galyada Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee gobolka Gabiley lagasoo doortay ayaa maanta waraysi uu siiyay Shabakada Wararka ee Wajaale News iyo Idaacada Hilaac ayaa cambaareeyey sida xukuumada Kulmiye u cabudhiso xoriyatal-qawlka isla markaana ula dhaqanto, kana hadlay ciidamada kasoo baxay Taleex, Garaadkii lasoo dhaweeyay iyo arintii foosha xumayd ee maamulka Gabiley kula dhaqmeen ciidamadii sirdoonka Itoobiya. Xildhibaanka oo waraysigaasi bixiyay isagoo ku sugan Hutel Lake Asal ee magaalada Hargaysa ayaa ku dheeraaday sida loola dhaqmo saxaafada madaxa banaan, isagoo sheegay in xisbiga kulmiye intii aanu talada dalka qaban uu ku ololayn jiray inuu ilaalin doono guud ahaanba xoriyatal-qawlka iyo saxaafada madaxa baxaan isla markaana uu sii amba qaadi doono dimuqraadiyada dalka taalo. Xildhibaanku waxaa kale oo uu faahfaahiyay xaalada guud ee dalka marayso isagoo sheegay in dalku marayo halkii ugu xumayd isagoo ku eedeeyay Xisbiga Kulmiye caadaystay faro-galinta garsoorka iyo cabudhinta saxaafada madax banaan. Waxa kale oo uu xildhibaanku meel ka dhac weyn ku tilmaamay go’aanka shirkadaha is-gaadhsiintu qaateen ee ay kaga joojiyeen wargayska haatuf adeegii is-gaadhsiinta ee internet-ka isagoo xusay in arintaasi cadaynayso in shirkaduhu ay lumiyeen dhex dhexaadnimadii shirkadnimo iyo kalsoonidii ay shacabka reer Somaliland u hayeen hadda kadibna aan lagu kalsoonaan Karin dhamaanba adeegayada isgaadhsiinta ee ay bixiyaan sida ku hadalka telefoonada gacanta, internetka, iyo dhamaanba adeegyada ay bixiyaanoo dhan. Xildhibaan Bashiir Tukaale waxaa kale oo uu ka halday inay foolxumo iyo meel ka dhac ku ahayd qaranka Somaliland taladii Ciidanka Qaranka Soomaaliland kaga soo baxeen degmada Taleex ee Somaliland, taasi oo uu xusay inaanay haboonayn in ciidanku degdeg ugasoo baxaan iyadoo aanay jirin wax iska cabin ama xoog ciidan oo ka hor yimid, sii joogistooduna ahayd inay sugaan amniga degmadaasi Taleex oo demooyinka Somaliland ka mid ah. Mar xildhibaan Bashiir Tukaale ka hadlayey soo dhaweyntii loo sameeyay Garaad Jaamac Garaad Ismaciil (Garaadka Beesha Jaamac Siyaad- Dhulbahante) waxa uu sheegay in Garaad Jaamac walaalkii ay soomaliland halkan ku caleemo saartay, waxa uu Garaad Ismaciil qabanayana uu walaalkii oo ka horeeyey qaban lahaa, isagoo soo dhawaynta garaadka cusubna ku tilmaamay in si khaldan loo isticmaalayo oo lagu burburinayo kharashkii yaraa ee gobalada bariga Somaliland loo ururay ee aanay wax kale ahayn soo dhawayntaas garaadku. Mar uu ka hadalayey xildhibaanku diblomaasiyiintii itoobiyaanka ahaa ee dhawaan lagu baadhay Degmada Gabiley ayaa waxa uu sheegay in ay ku ceebaysanyihiin masuuliyiinta madaxda ka ah gobolkaasi, sidoo kale waxa uu ayaandaro ku tilmaamay in masuuliyiinta gobolka loo doortay falkaas ku kacaan, isagoo tilmaamay in gobolka Gabiley yahay ka Somaliland ugu xiga itoobiya isla markaana labada dal ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh mid dhaqan dhaqaale, mid siyaasadeed, mid ganacsi iyo wada ilaalinta amniga labada dal. Isagoo xildhibaanku intaa raaciyay saamaynta ay yeelan doonto haddiii xidhiidhka labada dal xumaado. Waxan uu xildhibaanku u soo jeediyey shacabka reer Gabiley inay aayahooda ka tashadaan, sidoo kalena waxa uu xildhibaanku xukuumada u soo jeediyey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado masuuliyiinta gobolka Gabiley ee baadhay masuuliyiinta sirdoonka Itoobiyaanka ah; haddii ay xukuumadu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi weydona ay dadka reer Gabiley isu raacaan mudaharaad ay ka midaysanyihiin oo ay kaga soo horjeedaan Masuuliyiinta Gabiley ee wax Baadhay, sidoo kalena dhinac ugasoo wada jeestaan wax kasta oo sii wanaajinaya xidhiidhka labada dale e Somaliland iyo Itoobiya. Dawlada Somaliland ayaa xabsiga ku ururisay shaqaalihii maayarka Gabiley iyo badhasaabku amarka siiyeen inay baadhaan saraakiisha sirdoonka itoobiyaanka ah, iyadoo masuuliyiinta xukuumada dhexe ee kasoo jeeda gobolka Gabiley iyo Salaadiin ku nool cashuurta kastamka Gabiley ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii aan falkaas saamayntiisa looga leexin lahaa Maayarka Degmada Gabiley oo u gacan furan xukuumada dhexe, cashuurta shacabka Gabiley u isticmaala laaluush iyo sidii uu kursigiisa u ilaashan lahaa. Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa dhagaha ka furaysatay cabashada Masuuliyiinta Gabiley kasoo jeeda iyo Shacabka reer Gabiley iyagoo khaatiyaan ka jooga musuqmaasuq iyo siyaasad xumada maayarka iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley. Wasiirada uu maayarka Gabiley ka laaluusho kursigiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha Warancadde oo shacabka reer Gabiley codkooda siin lahaayeen haduu is sharixi lahaa laakiin ay maanta ogaadeen inuu yahay laaluush qaate aan dan iyo muraadtoona ka lahayn baabiinta hantida qaranka iyo ku takri falida shuruucda iyo distoorka dalka ee ay ku kacaan Maayarka iyo Xoghayaha Gabiley. Wasiirada kale ee ay ka midka yihiin Samaale, Abiib Timacad, xildhibaan C/lahi Balaaki ayaa dhamaantood lagu naasnuujiyaa cashuurta dakhliga ee kasoo gasha dawlada Hoose ee Gabiley Kastamka Kalabaydh, kuwaasi oo dhamaantoood difaaca kursiga maayarka Gabiley, taasi oo ay marag ma doon ka tahay xukunkii dhacdadan ee shaqada lagaga joojiyay badhasaabka Gabiley sidoo kalena lagu xidhxidhay dirawalkii maayarka, isuduwayaasha waxbarashada iyo beeeraha, askarigii ilaalinayay maayarka ee ay u saamayn wayday maayarka Gabiley. Masuuliyiintaasi xukuumada dhexe ayaa warar khaldan iyo amaan beena oo shacabka Gabiley ay ka sidaana geeya madaxtooyada. Dadka reer Gabiley ee jecel horumarka iyo horusocodka quus ka istaagay rajada horumarineed ee maamulka Siilaanyo ee Somaliland.
Wajaale News Office Hargeisa Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|