Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xayiraada Wargeyska Haatuf – | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xayiraada Wargeyska Haatuf –
April 17, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa markii ugu horeysa shaaciyay sababta ay xukuumada Somaliland Albaabadu ugu laabtay wargayskii haatuf oo ka soo bixi jiray Magaaladda Hargeysa

. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland waxa uu sheegay in Labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha iyo Macdantu ay dacwado ka soo gudbiyeen Wargeyska Haatuf.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka somaliland ayaa waxa uu sheegay in aanay xukuumada somaliland ku dag-dagin xayiraada ay saarato xarumaha warbaahinta.

Ugu horeyn xeer ilaaliyaha oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi ”Waxa ka dacwoonayey wargaysa haatuf wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland Cali

Maxamed Waran Cade wasiirka macdan iyo tamarta somaliland waxaana ay shegeen in ay ku dacwoonayaan been abuur iyo aflagaadooyin qaawan isla markaas ka shegeen warar been abuur ah, waxaana ay wasaarada arrimaha gudaha somaliland kusoo eedayse in ay dadka kicinayaan isla markaas qaranka somaliland lagu gil-gilayo markaas waxa ay labada wasiirba soo cod sadeen in tafatiraha iyo mulkiilaha wargayska haatuf loo gudbiyo maxkamada magaalada hargaysa, maxkamadani waxa ay saartay wargayskii xayiraad.

Dhinac Kale Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey”xukuumada somaliland waxa ay sifo sharci ah usoo martaa xayiraada ay kusoo rogto xarumaha warbaahinta somaliland,runtiina xukuumada somaliland waxa ay markastaba ilaalisaa xoriyada saxaafada waxaana ay ka ilaalisaa burbur iyo in ay si dad badan cagta u mariso waxaana ay markasta xadhigooda usoo martaa habka uu dhigayo dastuurka somaliland waxaana xukuumada markasta ku adkaynaa inaan saxaafada waaran la’aan marnaba lagu xukumi Karin.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMail;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS