|
|||||
WAJAALE NEWS
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xayiraada HAATUF
April 7, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews); Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xayiraada HAATUF Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xidhidda wargeyska Haatuf Maanta, 7da April 2014 abaaro afartii galabnimo waxay Booliiska Somaliland oo wata amar maxkamadeed ay xidheen xarunta wargeyska madaxabanaan ee Haatuf. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xidhidaas oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland. Ma jirto wax dacwad ah oo hore loo ogaysiiyay Haatuf si uu ugu helo fursad uu isku difaaco. 13 December 2013 ayaa sidan oo kale Booliisku albaabada u laabeen wargeyska Hubaal oo ilaa hadda xidhan isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Xadhiga wargeysyada ku taagan dawladdu waa dhibaato xuquuqal insaan oo leh welwelkeeda. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay dimoqraadiyadda. Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Qodobka 28 wuxuu waajibinayaa in dhinacyadu fursad siman u helaan garsoorka hortiisa. Garsoorku waa inuu noqdaa mid ka madaxbanaan waaxda fulinta. Xaruntu waxay aad uga welwelsan tahay ficilada iska daba imanaya ee lagu aamusiinayo saxaafadda ee garsoorku soo saarayo. Wargeyska Haatuf wuxuu maalmahan wax ka qorayey arimo la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo sida loo maamulo. Xadhiga wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxay ku tahay xadgudub xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:
Mulaho Mohamed Ali Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka Hargeisa Somaliland WAJAALENEWS DESK Related posts:Shacabka Somaliland Oo Waajahaya Khatarta Xanuunka XUMADDA Iyo Mooganaanta Wasaaradda Caafimaadka! Maayarka Gabiley Oo Ka Dareen Celiyay Go,aankii Maxkamada Sare Ku Laashay Dacwad Ay Ugudbiyeen Qaark... DAAWO;Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Degaanka Tower Hamlet iyo Qorsh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|