Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xayiraada HAATUF | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xayiraada HAATUF
April 7, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews); Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Xayiraada HAATUF

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xidhidda wargeyska Haatuf

 Maanta, 7da April 2014 abaaro afartii galabnimo waxay Booliiska Somaliland oo wata amar maxkamadeed ay xidheen xarunta wargeyska madaxabanaan ee Haatuf. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xidhidaas oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland. Ma jirto wax dacwad ah oo hore loo ogaysiiyay Haatuf si uu  ugu helo fursad uu isku  difaaco.

13 December 2013 ayaa sidan oo kale Booliisku albaabada u laabeen wargeyska Hubaal oo ilaa hadda xidhan isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Xadhiga wargeysyada ku taagan dawladdu waa dhibaato xuquuqal insaan oo leh welwelkeeda. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay dimoqraadiyadda.

Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Qodobka 28 wuxuu waajibinayaa in dhinacyadu fursad siman u helaan garsoorka hortiisa.

Garsoorku waa inuu noqdaa mid ka madaxbanaan waaxda fulinta. Xaruntu waxay aad uga  welwelsan tahay ficilada iska daba imanaya ee lagu aamusiinayo saxaafadda ee garsoorku soo saarayo.

Wargeyska Haatuf wuxuu maalmahan wax ka qorayey arimo la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo sida loo maamulo.

Xadhiga wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxay ku tahay xadgudub xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

  1. Inay xadhiga ka qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo ay ogolaato inay hawshooda wataan
  2. Inay joojiso ficil kasta oo waxyeelo ku ah madaxbanaanida saxaafadda
  3. In garsoorku noqdo meel loo siman yahay oo dhegaysta dhinacyada intaanay soo saarin go’aankeeda.

 

Mulaho Mohamed Ali

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS