Wiilashii Uu Dhalay Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Liibiya Qadaafi Oo Maanta Maxkamada La Horkeenayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiilashii Uu Dhalay Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Liibiya Qadaafi Oo Maanta Maxkamada La Horkeenayo
April 14, 2014 - Written by Editor:

Triboli(WJN)Waxaa maanta ) maxkamad lagu soo taagayaa dalka Liibiya labadii wiil ee uu dhalay Hogaamiyihii hore Col.Qadaafi iyo xubno kamid ahaan jiray xukuumadii hore.

Sayful Islaam iyo Saadi Qadaafi oo ah labada wiil ee uu dhalay Col.Qadaafi ayaa loo heystaa danbiyo la xariira musuq maasuq, jirdil, kufsi iyo dil. Waxaa sidoo kale maxkamada lasoo taagayaa Taliyihii hore ee Sirdoonka Qadaafi ninka lagu magacaabo Cabdullah Al Senussi.

Xubnaha maxkamada saaran ayaa waxaa sidoo kale ku jira labo wasiir oo horey uga soo mid ahaan xukuumadii Qadaafi, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Al Baqdadi Al Maxmudi iyo Bousid Dorda.

Raggan ayaa maxkamada lagu saarayaa Xabsiga Hadba ee ku yaal magaalada Tripoli marka laga reebo Sayful Islaam oo isagu weli ku xiran magaalada Zintan, maleeshiyaadka gacanta ayaa diiday inay kusoo wareejiyaan dowlada Liibiya, balse waxaa la sheegay in Sayful Islaam maxkamada kala socon doono dhanka Sattelite-ka.

 

Wjaalnews.net

wajaale/offcie

COMMENTS
LINKS