Weyneynta Munaasabadda 21 Oktoobar Ma Digashaa? Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weyneynta Munaasabadda 21 Oktoobar Ma Digashaa? Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd
April 30, 2014 - Written by Editor:

Colaaddii dheerayd iyo iyo burburkii weynaa ee soomaali ku dhacay ka dib, is ku dhimashadii iyo ka la dhimashadii ka dib, maanta kolkii arrimuhu yara xasileen waxaa la rajayn karaa in la isu soo dhowaado, oo xitaa haddii aan dhulalka iyo dawladnimada la midayn karin dadnimada iyo danta la mideeyo. Ma adka in nafsiyadda la wanaajiyo oo kalsoonidii luntay bulshada soomaalida loo soo celiyo si Geeska Afrika nabad loo gu wada noolaado, waa se haddii taa la doonayo. Nafsiyadda la ma wanaajin karo kalsooniduna soo noqon mayso haddii aan si aad iyo xilkasnimo ah taa loo ga shaqayn.

Waxaa se maanta i noo cad in ay jirto cid aan doonayn soomaalidu in ay wanaagsanaato oo masiibooyinkii dhacay taariikh ahaan ku dhaafto. Waxaa muuqata awood dhab u abaabulan oo ka shaqaynaysa sii wadista iyo xoojinta wixii awalba soomaalidu ku ka la fogaatay. Danta taa la ga lee yahayna waa wax aad u liita oo wanaagga iyo nabadda loo baahan yahay si buuxda liddi u gu ah. Marar hore ayaan arrintan ka hadlaye, maxaa maantana i xusuusiyay? Waxaa i xusuusiyay barnaamij dheer oo laba saacadood soconayay oo aan dhowaan ka daawaday Fogaanaragga Af Soomaaliga ku hadla ee Universal. Adeegga Youtube ayaan ka daawaday, wax uu se ahaa barnaamijkaa Oktoobartii hore la gu xusay Maxamed Siyaad Barre iyo Kacaankii Oktoobar ee uu hoggaamiyaha ka ahaa. Qaar kale oo ka mid ah dhagarqabayaashii ninkaa ku dhowaa ayaa iyagana barnaamijka la gu martiqaaday oo la gu maamuusay. Run ahaantii wax aan xusuustay Telefeeshinkii Xamar ee Maxamed Siyaad Barre loo ga heesi jiray. Barnaamijkaas oo la ga ga been sheegay in dib loo gu milicsanayo taariikhda siyaasadeed ee soomaalida, sida ka muuqata waxaa loo qorsheeyay in la gu soo nooleeyo munaasibaddii cudurrada halista ah u dhimatay ee 21 Oktoobar. Gebi ahaanba ujeeddada meesha ku jirtay iyada oo taas ahayd, wax aan la ga aamusi karin dhawr foolxumo oo meesha ku jira.

hawdFoolxumada kowaad waa in aan haba yaraatee wax xushamad iyo xaqdhawr ah loo muujin guud ahaan dadka soomaalida ee maamulka halkaa la gu maamuusay ku halaagmay ee ku dumiyay. Soomaali badan oo eheladoodii la gumaaday ama la jidhdilay ama la dhacay ama xabsiga la gu cadaabay ayaa mar kale waxaa la hor keenay oo la xusuusiyay. Foolxumada labaad waa iyada oo barnaamijka la gu soo martiqaaday dembiilayaal dagaal oo horseed iyo fuliye ka ahaa hooggii dadka soomaaliyeed la baday. Cabdiqaasin Salaad Xasan wax uu ka mid ahaa wasiirrada u gu firfircoon waagii umadda soomaalida la gumaadayay, inta badanna wax uu ahaa Wasiirka Gudaha, oo ah wasaaradda u xilsaaran amniga iyo badbaadinta dadweynaha. Ninka labaad waa Janan Maxamed Siciid Xirsi ”Moorgan” oo aan cidna loo ga sheekaynayn waxa uu ahaa iyo kaalinta fulineed ee uu ka ga jiray xasuuqii dadweynaha. Ninka saddexaad waa kornayl Ibraahin-Canjeex oo u gu yaraan qirtay in uu ka mid ahaa saraakiishii soo ururisay kontonkii nin ee iyaga oo aan wax dembi ah gelin habeen madow Jasiira la gu gawracay sannadkii 1989, in kasta oo uu fulinta gumaadka is ka ga riixay Maslax Maxamed Siyaad oo isaga taliye u ahaa.

Intaas oo nin baa golaha la soo fadhiisiyay oo la gu maamuusay in ay mar kale ku digtaan oo ku tiiqtiiqsadaan boqollaalkii kun ee ay agoomeeyeen, ee dhaawaceen, ee xabsiyada ku xanuunjiyeen, ee qaxiyeen, ee caydheeyeen, ee guryahoodii dumiyeen. Run ahaantii barnaamijkaa loo ma qaadan karo wax aan ahayn digasho iyo tiiqtiiqsi. Intaaba waxaa ka daran sida barnaamijku u weyneeyay ee u soo bandhigay kelitaliyihii dhiigyacabka ahaa ee dalka iyo dalka soomaaliyeed halligay. Dhawr khudbadood oo ninkaa la ga soo qaatay sida muuqata aad baa loo soo xulay si loo gu muujiyo sawir bani aadamnimo oo la doonayay in Maxamed Siyaad Barre loo yeelo. Haba yaraatee waxba la ga ma soo qaadin khudbadihiisii badnaa ee ahaa fawaaxishta iyo fadeexadda miidhan, sida tii uu ku bannaysaystay dhiigga culimada kuna beeniyay aayadaha Quraanka. Waxba la ga ma soo qaadin khudbadihiisii ahaa ololihii colaadeed iyo dagaalgelinta. Waxba la ga ma soo qaadin afxumooyinkii, hanjabaadihii, dhaartii iyo nacaybkii uu bulshada oo dhan ku bahdili jiray. Waxba la ga ma soo qaadin talooyinkiisii iyo tallaabooyinkiisii wada xilkasnimo darrada iyo burburka ahaa ee uu habeenkii ku riyoon jiray keligiina amarkooda bixin jiray. Taa beddelkeeda ninkaa waxaa la ga soo xulay khudbado loo ga dan lahaa in ay wanaag u noqdaan, aan se qudhoodu xaqiiqada iyo runta meel ku lahayn ee is ka ahaa hadaltiradii badnayd ee sida uu doono iyo goorta uu doono shubi jiray.

Arrimahaas oo dhan waxaa ku jirta wayddiin ah: Universal iyo dadka barnaamijkaa diyaariyay ma wax ay ka ahayd ogaan iyo digasho, mise xirfad xumo iyo xilkasnimo darro ayaa halkaa la maray? Waayaha ay ka hadlayaan run ahaantii ma sidaa gurracan bay u arkaan? Ma waxaa ka maqan saamaynta xun ee ay taasi nafsiyadda iyo akhlaaqda dadka ku yeelan karto garashadeeda? Mise waa qorshe ogaan ah? Marar badan oo hore ayaan la kulmay wax sidan ah: qoraal, maqal, muuqaal iyo qofnimo intaba. Wax aana run ah hab-dhaqanka sidaas ahi in uu soomaalida sii ka la fogaynayo. Waxaa kale oo run ah in uu yahay dhaqan dhaawacaya akhlaaqda iyo damiirka bulshada soomaalida iyo barbaarinteeda wanaagsan, waayo waxaa wanaag la gu sheegayaa gumaad, burburin, dhiigyacabnimo, qabyaalad dawladeed, barakicin iyo silicdilyayn dadweyne. Waxaas oo dhan baa la ga dhigayaa wanaag iyo/ama u gu yaraan in aanay gef iyo dembi ahayn. Dabadeed carruurta iyo bulshada waxaa la gu barbaariyaa waxa qudha ee ay noqon doonaan mustaqbalka waa dadqalatooyin sharku u yahay khayr, ama xumaantu u tahay samo. Qofka carruurtiisa baraya Maxamed Siyaad Barre iyo jaalleyaashii wixii ay umadda soomaaliyeed ku sameeyeen in halyeynimo ahayd, carruurtaasi iyaga oo dadqaloobay car yaanay isaga cunin. Markaa arrimaha sidaas ahi in ay soomaalida sii ka la fogaynayaan waa salleello.

Qalinkii:  Ibraahin Yuusuf Hawd

COMMENTS
LINKS