Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo La Kulmay Dhakhaatiirta Macjarada Xolaha Berbera Xili Bil Gudaheed Sucuudiga Laga Soo Celiyay Kumanaan Neef Oo Geel Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo La Kulmay Dhakhaatiirta Macjarada Xolaha Berbera Xili Bil Gudaheed Sucuudiga Laga Soo Celiyay Kumanaan Neef Oo Geel Ah
April 3, 2014 - Written by Editor:

BARBERA(Wajaalenews);Wasiirka xananada xoolaha Dr Cabdi aw-Daahir oo socdaal ku tagay magaalada Berbera ayaa la sheegay inuu la kulmay Dhakhaatiirta xoolaha ee ka hawlgala Macjarka Al-jaabiri, halka maantana la filayo inuu la kulmo dhakhaatiirka Macjarka xoolaha ee Indha-deero.

Socdaalkan uu wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland uu ku tagay Berbera ayaa yimid kadib markii mudo bil gudaheed kumanaan neef oo Geel ah oo loo dhoofiyey dalka Sucuudiga dib loogu soo celiyey Somaliland, taas oo khasaare badan uu ka soo gaadhay ganacsatada xoolaha dhoofisa.

Hase yeeshee Ilo wareedada laga helayo magaalada Berbera ayaa sheegaya in ganacsatada xoolaha ka dhoofiya Berbera ay eedo uga soo jeediyeen Wasiirka xanaanada xoolaha inaanu waxba ka qaban illaa intii markabkii kowaad ee xoolaha Geela ah qaaday dib loo soo celiyey, Isla markaana aanay wasaarada xanaanada xoolahu ka hor tagin khasaaraha ganacsatada ka soo gaadhay xoolahaasi la soo celiyey

HARGEISA SOMALILAND

XIGASHO HAATUF

COMMENTS
LINKS