Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in uu ka xunyahay xadhiga wargayska haatuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in uu ka xunyahay xadhiga wargayska haatuf
April 9, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa dareen cadho leh ka muujiyay talaabada ay xukuumada uu ka tirsan yahay  ee madaxweyne Siilaanyo albaabada ugu laabtay xaruntii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa uu sidaasi ku sheegay  hadal uu ka jeediyey Munaasibad ay Dallada Ururuda aan dawliga ahayn ee SONSAF u qabatay Warbaahinta.

“Waan ka xumahay xadhiga wargayska haatuf,Yuusuf Cabdi Gaboobe waa Saaxiibkay cid iskaga kaaya dhawi ma jirto ,muddo badan ayaanu mihnada Saxaafada ku soo wada jirnay,waana nin igu qaaliya”
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqotay xukuumadii u horaysay ee  xabsiyada ku gurta saxafiyiintii ugu tirada badnayd, waxaanay sidoo kale noqonaysaa xukuumadii u horaysay ee xayiraad saartay wargeysyo baahiya qormooyin musuq-maasuq oo ka dhan ah masuuliyiin xukuumadda ka ti

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS