Wasiirka Warfaafinta Oo maanta Sidiiran loo soo dhaweeyay kana hadlay arinta TV Universal DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Oo maanta Sidiiran loo soo dhaweeyay kana hadlay arinta TV Universal DAAWO SAWIRO
April 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Waxa maanta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib Hawlo caafimaad oo uu dalka dibediisa ugu maqnaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay wehelinayso Marwadiisa Zamzam Cabdi Diiriye.

Iyada oo ay Subaxnimadii Hore si qiimo badan loogu soo dhaweeyey wasiirka wasaarada Warfaafinta Egal International Airport Hargeysa oo ay ku sugayeen kumanaan dadweynaha Reer Somaliland ka mid ah oo Abaaro 6 dii Subaxnimo ku waa bariistay Airport ka hargeysa.

Wasiirka oo ka soo noqday Dalka Imaaraadka Carabta Gaar ahaan Dubai ayaa waxa uu ka hadlay xaaladiisa caafimaad oo uu sheegay wasiirku inay 100% taam tahay sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay Dhakhaatiirta Dalka sida Cusbitalka Berbera, Cusbitalka Hargeysa, iyo Cusbitaalada Dalalka Jabuuti iyo Dubai.

Sidoo kalena waxa uu Wasiirku Mahadnaq balaadhan u soo Jeediyey Dhamaanba Cidkasta oo ka qayb qaadatay Xaaladiisa Caafimaad gaar ahaana waxa uu u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland, iyo Marwadiisa Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, iyo Marwadiisa, Wasiiro, Saxaafada, Cuqaasha Dadka Jaaliyadaha Shacbiga Somaliland Gudo iyo Dibedba

Waxaanu ka hadlay Arrimo la xidhiidha Television Universal markii ay saxaafadu wax kawaydiisay.

DSC_0084DSC_0093DSC_0097

DSC_0029

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS