Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Doorka Saxaafada ee Xuska 18 May,Iyo Shaqaalaha Wasaarada oo ay Dood Adagi Dhexmartay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Doorka Saxaafada ee Xuska 18 May,Iyo Shaqaalaha Wasaarada oo ay Dood Adagi Dhexmartay
April 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Kulan balaadhan oo garnaqasi ah ayaa maanta dhex-maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Shaqaale Waynaha Idaacada Radio Hargeysa oo cabasho xoogan ka muujiyay Caddalad darro ay ka tirsanayaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Shaqaalaha Idaacada Radio Hargeysa ayaa ka cabbanaya xuquuqdoodii ay xaqa u lahaayeen oo ka maqan Sidoo kale shaqaalaha Idaacada ayaa ka cabanaya Caddalad darro iyo Sinaan la,aan ka jirta Wasaaradda uu Wasiirka ka yahay Cukuse.
Ugu horayn waxaa kulankani ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxaanu yidhi ““Shaqaalaha waxaan leeyahay mara nidaamka shaqada marka aad cabanaysaan,naayaahe naga aamus adigu hadal badanidaa adeer meeshu ma Gurigii hooyadaabaa,xishooda oo wax isku fala Anigu waxaan balan qaaday In aanu shaqaaluhu isku dul noo laanin,waxaan hore u balan qaaday in shaqaalaha bilaa gunada ah  guno la siin doono ,adeer wali waan idiin maqanaha ee isuga”
“waa runtood oo hablo badan ayaa xafiiska iigu yimi,laakin waxba waan u qaban kari waayay anigoo ah Wasiirka  Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse,Adeer Meeshani waa Wasaaraddii Warfaafinta u dul qaadan mayso kolba laba inan oo warbaahinta u taga oo yidhaada waanu cabanayaa,Adeer Carruur miidhan ayaad tihiin,Markaad cabanaysaan sharciga soo mara Adeer oo joojiya warbaahintan aad wax ku soo qoraysaan,dariiqa Wasaaradda Warfaafintu maraysaa waa dariiqa Shaqaalaha dawlada,waxaan rabaa in aan caqligiina dadka tuso waxaanu rabnaa in aanu caddaalad samayno dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland,Insha Allah wixii dhiman waanu dhamaynaynaa hadalkiinii waanu qaadanay ,markaa ha carruuroobina adeer,Saxaafadda Madaxa-banaan waxaan ka codsanayaa,in aanay sii daynan wixii aan maanta oo dhan isku lahayn,ma doonayno in aad aad xantayada suuqa u saartaan,”
Sidoo Kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada Radio Hargaysa oo cabasho xoogan ka muujiyay Caddalad darro ay ka tirsanayaan Wasiir Cukuse “Waxaan ahay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Magacaygu waa Mubaarig Cabdi Yuusuf,waa nasiib daro in aad I garan waydo adigoo ah Wasiirkii Warfaafinta,Agaasimaha Guud Iyo Agaasimaha Radio Hargeysa Boqol jeer ayaan u tagay Cabashadayada waxba way ka qaban waayeen,Agaasimaha Guud markasta oo aanu u tagno wuxuu odhan jiray Iga baxa Mar danaba yaanan idinku arkin Xafiiskayga,Maanta waxaa sidii nooga hadashiinayaa waa wanaag iyo in aynu wax kala helno”
“Waxaanu ku cabanayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland,wuxuu nagu hayaa dulmi cadaan ah,wuxuu nagu hayaa qabyaalad uu kula dhex jiro shaqalaaha Wasaaradda Warfaafinta ,wasiir adiga kun jeer ayaanu kuu nimi oo aanu kuu soo gudbinay cabashadayada waxba waad ka qaban wayday,markasta oo aanu kuu nimaadna Xafiiska iiga baxa ayaad odhan jirtay”
“Wasiir Markaan kuu immi waxaad igu tidhi ee aan Cabashadayda kuu soo gudbiyay waxaad igu tidhi, cabashadaada meel la fadhiiso hala wareegine,Wasiir marka aanu kuu nimaadnaba intaad waxa aanu kuu sheegno dhagtaa aad ka maqasho ayaad ta kale ka siidaynaysay ,waxaanu ka cabanayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo Xaqayagii cunay,wasiir Waxaa lagugu xantaa in aad hadal macaan tahay laakiin aad tahay nin bakhyla,waxaanu maanta kaaga fadhina Wasiiir in aad noo balan qaado wuxuu aad noo awoodo,kun jeer ayaad been noo sheegtay oo aad balan qaado beena noo samaysay”
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo wasaaradda joogay muddo kooban  ayaa  colaad balaadhan kala dhex dhigay shaqaale Sannado badan soo wada shaqaynaayay
Wasiir Cukuse ayaa hore shaqada uga joojiyay Maareeyaha SLNTV Khadar Cali Gaas  hasa yeeshee shaqadii lagu soo celiyey iyadoon waxba laga waydiin Wasiir Cukuse
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS