Wasiirka Madaxtooyadda Waxaan Leeyahay Kartidu isma-Qarisee Qoddobaddan Hirgeli!! Qaliinki: Mowliid Adan Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyadda Waxaan Leeyahay Kartidu isma-Qarisee Qoddobaddan Hirgeli!! Qaliinki: Mowliid Adan Cumar
April 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo saxaada maamulka dowladnimo ka bilaabay Komishankii labaad ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland,

 isla markaana noqday guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Gomishanka Doorashooyinka Qaranka Sannadkii 2008-dii .Waxa xasuus leh inuu horseed ka noqday in komishankaasi uu iska casilo xubnimadii iyo Guddoomiye ku-xigeenkii uu ka ahaa guddigaasi, kadib markuu iftiimiyey saluug weyna oo asxaabta siyaasadu ka muujiyey guddigaas doorashooyinka, taasina waxay sababtay in lixdii xubnood ee Guddidaasi lagu aamin waayo inay qabtaan doorashadii madaxtooyadda oo ku beegnayd 2009-kii.

Sidaasi awadeedna lagu khasbay inay dhammaan is-casilaan, mudane Xirsi oo ahaa xisbiga KULMIYE xubintii ugu jirtay guddidaasi wuxuu hogaankii KULMIYE ku dhiiri-geliyey in aanay komishankaasi la casilay doorasho dalka ka dhacda hogaamin karin sidiina way u dhacday.

Haddaba, markan u soo gudbo wasiir Xirsi iyo mawduucan aan halku dhiga uga dhigay kartidu isma-qarisee, wasiir Xirsiyow qoddobadan qaranka u hirgali waa haybad iyo horumarka dowladeena ee waxanan leeyahay W/ Madaxtooyadda mudane Xirsi saddexdan qodob maaha kuwo ku xumee iyo mucaaridad xukuumadeed ah ee waa toosinta danta qaranka ee inaga wada dhaxaysa siday ku haboon tahay ee waxaan ka rejaynayaa adigoo ah Wasiirka madaxtooyadda ahna Wasiirka Xidhiidhiya Madaxweynaha iyo Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’addaha dowladda inay Saddexdaa qoddob kuwo hirgala noqda haddii alle idmo:-

1-Hay’adda hanti dhowrka qaranku waxay u dhisan tahay shaqo muhiim u ah dowladdan Somaliland markay is wanaagsan shaqadeeda u qabtaan, waxaanay xukuumadda u leedahay dakhli kordhin iyo hantida qaranka oo ka badbaada musuq-masuuqa oo yaraada ama la baabiiyo, sidaasi awgeed hay’adda hanti dhowrka qaranka waxan soo jeedinaya in shaqadeeda la dardar-geliyo.Sababtuna waxaa weeye hay’adda hanta dhowrka qaranku saddexdii sanno ee xukuumadda KULMIYE jirtayba waxay u eegtay hay’add sugaysa amar hawl-galineed, sidaasi awgeed waxan leeyahay hay’adda hanti dhowrka oo hawsheeda toos u qabataa waa sharafta xukuumadda iyo dakhliga oo kordha haddii alle yidhaa…

2-Garsoorka iyo Maxkamaddaha dalka su’aashu waxaa weeye Garsoorayaasha Maxkamadaha dalka sidee loogu hogaamin karaa inay shacabka caddaaladda ugu garnaqaan, dabcan waa jawaab laga sugayo dhammaan muwaadiniinta qarankan Somaliland masuuliyad mid haya iyo mid kaleba.Sidaasi awgeed anigu waxan u arkaa laba arrimood in lagu toosin karo caddaaladda iyo garsoorayaasha maxkamaddaha dalka

A-Waxan u arkaa arrinka hore ee toosinta shaqada garsoorayaasha in maxkamadda  sare  magacowdo Guddi Garsoorayaal ah oo kor jooge ka noqoto kiisaska Maxkamadaha ee loogu garnaqayo dadweynaha derajooyinka Maxkamadaha dalka si loo adeeyo dhegaysiga iyo la socodka dadweynaha, taasi oo culays ku noqonaysa in garsooraha dacwadu sameeyo baadhis adag kala kulmo.Sidaasi awgeed waxan leeyahay guddiga garsoorka dalku iyagoo isticmaalaya aqoontooda garsoor waa inay sameeyaan shardi kasta oo adkaynaya ka garnaqa kiisaska Maxkamadaha dalka.

B-Waxan u soo jeedinayaa golaha xukuumadda in garsoorayaasha Maxkamadaha dalka loo sameeyo qorshe mushahar oo ku qiimaysan in shacabka loo helo garsoor caddaalad ugu garnaqa, sidaasi darteed waxaa waajib ku ah xukuumadda iyo golayaasha Baarlamaanka in loo qorsheeyo garsoorayaasha dalka mushahar daboola nolosha garsooraha, waxanan soo jeedinayaa in garsooraha mushaharkiisa laga dhigo 2000 si garsooruhu u noqdo mid dhowrsoon.

3-Waa dhiir-gelinta wax-soo-saarka dalaga iyo kaluumaysiga, sidaasi awgeed waxan u soo jeedinaya golaha xukuumadda inay samayso qorshe ah dhiiri-gelinta iyo horumarinta labada wasaaraddood ee W/beeraha iyo w/kaluumaysiga oo dalka ugu jira kaalinta kowaad ee wax-soo-saarka cuntada.

Haddab, waxan golaha xukuumadda u soo jeedinaya inay sameeyaan qorshe Maaliyadeed oo miisaaniyadda qaranka loogu darro w/beeraha iyo w/kaluumaysiga. Qorshahaas oo ah horumarinta wax-soo-saar iyo dhiiri-gelinta beeralayda iyo kaluumaysiga, sidaasi awadeed waxan qormadan talo soo jeedinta ah ku so oaf xidhayaa halku dhega qormadan oo ah Mudanne Xirsi Cali Xaaji oo aan leeyahay mudane wasiir xirsiyow kartidu isma-qarisee saddexdaa qodob ka dhig kuwo  hana qaada oo horumarka iyo toosinta maamulka ka mid noqda, haddii Alle yidhaahdo…….Wabilaahi towfiiq.

Qallinkii: Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa: Somaliland

Mobile: 063 4410898

COMMENTS
LINKS