Wasiirka Ganacsiga JSL Oo La Kulmay Wasiirka Dhaqaalaha Imaaraadka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga JSL Oo La Kulmay Wasiirka Dhaqaalaha Imaaraadka
April 10, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS);Wasiirka Wasaaradda Ganaciga Iyo Maalgashiga Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo Magaalada Dubai kaga qayb-galay shirka dhaqaalaha ee Dalalka Carabta iyo Afrika, ayaa maanta Magaalada Dubai kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee dawladda Imaaraadka Carabta.

Sida uu Wasiirku ku sheegay qoraal uu kulankaasi waxa uu maanta la kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee dawladda Imaaraadka Carabta, Mr. Sultan Mansouri, waxaana intii ay ku jiraan kulankan laba geesoodka ah ay ka wada hadleen xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka, gaar ahaan meelaha ugu baahan in laga horumariyo xidhiidhka ganacsi ee xiligan u dhexeeya labada dal, waxayna si gaar ah diirada u saareen maalgashi ay dawladda imaaraadku doonayso inay ku samayso Somaliland, gaar ahaan kaluumaysiga iyo Sibidhka.

Waxa kale oo ay labada masuul soo wada qaadeen in Imaaraadku Somaliland ka taageero horumarinta dhinaca dal xiiska

Dhanka kale, Wasiirka ganacsiga Somaliland, ayaa Wasiirka Dhaqaalaha ee Imaaraadka u gudbiyey buug ay diyaarisay Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, kaasi oo adduunku ka baran karo hanaanka ugu fudud ee Somaliland loo maalgashan karo

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS