Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Wadanka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Wadanka Kenya
April 2, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);wasiirka ganacsiga iyo maal gashiga Somaliland ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar shaqo uu ugu maqnaa wadanka

Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horayn ka hadlaya kulan uu la qaatay wasiirka ganacsiga Kenya ayaa waxa uu tilmaamay qodobo muhiim ah oo ay ka wada hadleen arimo la xidhiidha ganacsiga labada dalka waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Mudadii aan joogay wadanka Kenya waxaan la kulmay wasiirka ganacsiga iyo arimaha bariga

Afrika ee dalka Kenya waxaanan ka wada hadalnay sidii suuqyada ganacsiga Somaliland iyo Kenya aanu iskugu furi lahayn, wadanka Kenyana waxa uu ka mid yahay wadamada Afrika ee warshadaha leh wax soo saarna sameeya, waxaanay Somaliland xidhiidh ganacsi la leedahay meelo kale laakiin dalka Kenya ilaa imika la lihin ganacsi isku socda oo ka dhaxeeya labada wadan,dekeda Berbera iyo dekeda wadanka Kenya ee ku taala Mambasa ma laha xidhiidh toos ah balse meelo kale ayey isku soo maraan, markaa waxaanu ka wada hadalnay sidii arintaas wax looga qaban lahaa oo ay labada wadan u yeelan lahaayeen ganacsi isku furan, waxaanan wasiirka ganacsiga Kenya isla meel dhignay sidii aanu u samayn lahayn heshiis ganacsi oo mustaqbalka hir gelin kara in ganacsatada Somaliland iyo kuwa Kenya ay suuqyadooda isku furan.” Ayuu yidhi wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar.Wasiirka ganacsiga Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyey shir uu kaga qayb galay wadanka Kenya kaas oo lagaga hadlayey arimo la xidhiidha ganacsiga waxaanu yidhi “Waxaan ka qayb galay shirkaas lagaga Hadlayey IT-ga iyo ganacsiga  kaas oo aan gunaanadkiisii gaadhay, waxaanan kaga hadlay baahida Somaliland u qabto arintaas iyo wadciga ganacsi ee ay somaliland leedahay, waxaanan kulan la yeeshay gudoomiyaha rugaha ganacsiga wadanka Kenya  kaas oo aanu ka wada hadalnay arimo la xidhiidha arimaha ganacsiga labada dal.” Ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS