Wasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Hadlay Natiijada Wada Hadal Somaliland Iyo Somaliya Ka Yeesheen Maamulka Hawada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Hadlay Natiijada Wada Hadal Somaliland Iyo Somaliya Ka Yeesheen Maamulka Hawada
April 6, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS);Wasiirka Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gaadiida Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kana waramay wadahadladii dhinaca maamulka hawadda ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Turkiga.

Hargeysa (WJN):- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawadda iyo Gaadiida Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kana waramay wadahadladii dhinaca maamulka hawadda ee Somaliland iyo Soomaaliya  ku dhex maray dalka Turkiga.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Laba khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulsita oo kale Saciid Mahdi Ileeliye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale  oo maanta ka soo degay Madaarka Cigaal International Airport ayaa saxaafada ugu xog waramay hawaladdaasi Turkiga ku dhex maray iyaga iyo Soomaaliya.

Wasiir Xaashi oo arimhaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ shirkan waxa isu yimid laba guddi farsamo oo ka socday Somaliland iyo Soomaaliya, waxana arintaas lagu go’aamiyey shirkii ugu dambaayey ee labada dal ay Horaantii sanadkan Istaanbul ku yeesheen sideed qodob oo ka soo baxay ayaa mid aan uu dhigayey in laba guddi farsamo la samaayo si loo gu’anaanado arintii hawada  maamulkeeda loona wadaago, lana sameeyo wax la yidhaa TOR, (Terms of Reference), oo ay ku shaqeeyaan guddida hawada maamulaysaa, masuuliyada iyo xilka naloo igmaday oo sidaas ayuu ahaa, waxaanu labadayadii dhinac isugu nimid Istanbul, waxana kulan noo abaabushay wasaarada arimaha dibada ee Turkiga,”  ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaas ku daray “ xaqiiqdii arintaas markii aanu falanqaynay ee shirkii uu noo bilaabmay midho dhal badan lagama gaadhin sababtana waxa keentay iyada oo  kadinkii laga soo galay hawsha qaabdhismeedka inaanu diyaarino, aanu ku kala aragti duwnaanay walaaladayadii guddi farsaxo ee ka yimid Soomaaliya, xubno khubro ah ayaa meesha marayey laba dhinacba, aniga iyo Wasiirka kale kor joogto ayaanu ahayn, waxa lagu kala duwanaaday guddi loo baahan yahay in la sameeyo.”

Wasiir Maxamudu Xaashi ayaa sidoo kalena intaas kud aray “  Somaliland xubnahayagii ka socday waanu qabnay imikana aanu qabnaa  kuna qanacsanahay in shirkii Istanbul ka dhacay  7 ilaa 9 July/2013-kii, ee ugu horeeyey wadahadii Labada dal, in laga heshiiyey in la sameeyo guddi wadaag ah, oo arinta hawada si madax banaan u maamula fadhiisinkooduna uu noqdo caasimada Somaliland ee Hargeysa, xafiiska Nairobi ee FIR la yidhaa in loo soo raro Hargeysa, anaga laba  xafiis nooma ay kala ahayn, ilaa hada waxaanu qabtaa inaanu arintaas heshiis ku ahayn Soomaaliya, waxa dhacday  in Walaalhayo Soomaaliya ay la gole yimaadeen fahan kaas ka duwan, oo ah in guddidani ay samayso guddi kale oo farsamo gudidaasina waxa ay ku shaqnayso aanu isla meel dhigno, xafiiska FIR-na aanu ajandaha meelbana ka soo galin, angug taas waanu ka soo hor jeednaa waayo laba guddi cidna samaymayso, mashruucani waa mid kaliya oo isla socda, doodayaduna abaar iyo Yool ayey leedahay waxa weeye guddi kaliya ayaa hawadda maamulaysa, oo gacanta ku haynaysa, hadii ay tahay  hawl maalimeedka joogtada ah, wadaaga cashuurta ama dhaqaalaha, dajinta istaraatijiyada iyo siyaasada waxaas oo dhan hal guddi  oo hal xafiis leh ayaa maamulaysa, ayaanu aamin san nahay halkaas ayaanu ku kala duwanahay Soomaaliya.|”

Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in dooda Soomaaliya ee ah in la kala saaro gudidda hawada maamulamaysa iyo xafiiskeeda ay u arkaan mid khilaafsan heshiiskii hore ee hawadda ee labada dal galeen waxanu yidhi  “ Dooda Soomaaliya ee Qodobkaasi waxaanu u aragnaa in uu ka soo horjeedo heshiiskii hore ee aanu galnay, waana aanu isku marganay, mahaa wax u baahan in laga qariyo Bulshada Somaliland, saxaafadda iyo beesha caalamkaba, way nagu adkaaday in aanu heshiis gaadhno, waxa aanu markaas gunaanadkii isku afgarana laba qodob oo ah Kow, waxaanu garwaaqsanay in baahi weyn loo qabo in hawadii mamaulkeedii dib loogu soo celiyo gacmaha Soomaaliyada, Somaliland iyo Soomaaliya, waxana aanu mudaynay in bisha January 2015 hawadii UN gacanteeda laga soo noqdo,  hawaasna ay maamulaan guddi wada jir ah, oo ah labada dhina, guddidaasna ay la xisaabtamaan laba dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

“ Qodobka labaadna  waxaanu ku heshiinay in dhinac waliba uu ku noqdo dawladiisii, ka diba shirka  guud ee labada dal ay Istanbul ku yeelan doonaan arintaas iyada ah, heshiis kama dambays ah laga gaadho, shirkaasna Ajadana koowaad arinta maamulka hawada ay ku noqoto,  wadahadalada laba dal qodobka kaliya ee laga heshiiyey wuxuu ahaa  arinta hawada iyadiina waxa ku soo kordhay turunturooyin iyo tafsiiro kala duwan, markaas waxay u baahana tahay inay meel wax isla dhigno, waxana aan rayaynaynaa in walaaledeen Soomaaliya aynu wax isla meel dhigno, oo ay garowsadaan waaqaca iyo runta.”  Ayuu yidhi Md. Maxamuud

 

HARGEISA WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS