Wasiirka Boosaha Oo Shir Lagu Faaqiday Horumarinta Awdal & Salel Ku Qabtay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Boosaha Oo Shir Lagu Faaqiday Horumarinta Awdal & Salel Ku Qabtay Hargeysa
April 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa maanta kulan qado sharaf ah Huteelka Safaari ee Magaaladda Hargeysa ugu sameeyay Xildhibaanadda Gobolada Awdal iyo Salal kaga jira labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiiladda & Guurtida) iyo aqoonyahanada goboladaasi ka soo jeeda.

wasiirka Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Ab-gaal oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda iyo xildhibaanadda Goleyaasha Baarlamaanka kaga jira gobolada Awdal iyo Salal looga baahan yahay in la gaadhay marxaladii ay u midoobi lahaayeen Horumarinta deegaamadaasi.

Wasiirku waxa uu xildhibaanadda iyo waxgaradka ka soo qeyb galay kulankaasi uga mahad celiyay siday u soo ajiibeen marti-qaadkii uu u fidiyay, waxaanu tilmaamay inay daruuri tahay in la joogteeyo kulamadda noocan oo kale ah si ay juhdi u geliyaan isla markaana u qiimeeyaan mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo goboladda Awdal Iyo Salal.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay horumarinta goboladda dalka, loogana baahan yahay Xildhibaanadda Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda kaga jira Awdal iyo Salel-na inay xukuumadda kala shaqeeyaan isla markaana u fududeeyaan sidii mashaariicda horumarineed loo badin lahaa, iyadoo loo eegayo sida baahidu u kala mudan tahay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu baaq u diray bulsho-weynta goboladaasi, waxaanu ku booriyay inay adkeeyaan isku xidhnaantooda iyo wax wada qabsigooda.
Wasiir Maxamed Jaamac waxa uu xusay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka oo dhan ka wado mashaariic xoog leh oo wax lagaga qabanayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyadda daruuriga ah, waxase uu xusay in bulshaduna ay kaalin weyn ka qaadanayaan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane oo ku hadlayay magaca ka qeyb-galeyaashii Kulankaasi ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kulanka muhiimka ah ee uu si midaysan ugu marti qaaday dhammaan xildhibaanadda labada Gole baarlamaan kaga jira goboladda Awdal iyo Salel, waxaanu tilmaamay inay soo dhaweynayaan in Xubnaha Goleyaashu ay u guntadaan sidii wax-qabad balaadhan looga fulin lahaa deegaamadii laga soo doortay.

Cabdilaahi Ibraahim Habane waxa uu ku sifeeyay Wasiirka Boosaha Wasiirkii ugu horeeyay ee goboladaasi ka soo jeeda ee si wada jir ah kulan ugu marti qaada beelaha wada dega Awdal iyo Salel

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS