Wasiirka Biyaha oo ka qaybgalay Wakaalada Biyaha Burco oo Waxqabadkeedii soo bandhigtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Biyaha oo ka qaybgalay Wakaalada Biyaha Burco oo Waxqabadkeedii soo bandhigtay
April 9, 2014 - Written by Editor:

BURCO(WAJAALENEWS);Wakaalada Biyaha Burco ayaa maanta  xaflad ay ku soo bandhigaysay waxqabadkii sanadkii tegay iyo waliba mishiino iyo gaadiid ay soo iibsatay,waxay ku qabatay xarunteeda magaalada Burco,Xafladan oo ay kasoo qayb galeen wasiirka wasaarada Biyaha,Maamulka Gobolka Togdheer,ka degmada iyo waliba waxgarad  kale ayaa waxaa ugu horayn xafladaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Biyaha Xuseen Axmed Cabdile waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” waxaan maanta reer somaliland leeyahay oo ugu baaqayaa Biyaha roobka aanka faa’iidaysano,oo maalinba in yar qabsano,anakuna ka wasaarad ahaan waxaanu muhiimada koowaad siinaynaa sidii Biyahaas loo qaban lahaa,waxa noogu jirta qorshaha inaanu dhaamam waawayn samayno taasina waxay u baahantahay juhdi iyo Kharash fara badan,waananu haynaa hay,adao u diyaar ah inay taas wax nagala qabtaan,anigu intii aan wasaarada joogay oo ahayd toban bilood wakaalada Biyaha Burco waxay qabteen wax lagu faani karo,wakaaladu waxay qabatay shaqadii loo igmaday,waxaana reer Burco ugu bushaaraynaynaa mashruucii biyo balaadhinta ahaa halkii ugu danbaysay buu marayaa halkaas ay marayso way kasii labanlaabmaysaa ,Burco waa ilaahay Biyaha ku manaystay  waxay noqonaysaa meel tusaale u noqota dalka intiisa kale,wasiirku isagoo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi”wasaaradu maaha inay dadka qaarna oomiso qaarna Biyo siiso ee wakaaladaha waxaanu u igmanay inay  dadka Biyo siiyaan halkii ay gaadhi waayaan dadka haraad ku dili maayo,waayo umada xilbaa naga wada saaran,waxaad ogaataan hadii aad tihiin ceelasha bareefadka ah maalinta ay wakaaladu soo gaadho waa hanti qaran waanu idinka qaadaynaa sharcina waa jiraa taa qeexayaa.
Maareeyaha wakaalada Burco Ibraahin Yuusuf Diiriye( jirde)  oo isna waxqabadkii wakaalda ka hadlaaya ayaa waxa uu ydhi”wakaalada  Biyaha Magaalada Burco waxay ku talaabsatay waxqabad fara badan oo la taabankaro,waxaana ka mdi ah xuquuqdii shaqaalaa oo aanu bixinay oo dhan 315 milyan,waxaanu bixinay dayn dhan 985 milayan,waxaanu soo iibsanay beeb 4900 oo noocwalba leh,todoba bam todoba daynabo,Lix gaadhi iyo Mishiino laydh oo lagag maarmay kuwii bareefadka ahaa,afar ceel baanu daboolka ka qaadnay oo biyo galintii magaalada kusoo xidhnay,waxaanu kale oo samaynaynaa kaydadkii magaalada.Maareeyuhu isagoo ka hadlaya caqabadaha hor yaala waxa uu ydhi,caqabadaha aanu ka cabanaynaa waxaa ka mid ah,waa laamaha dawlada oo aan biyaha bixin hawgu horeeyaan cibitaalka,Jeelka iyo waliba xarumaha booliska,Sidoo kale waxyaabaha kale ee caqbadaha ah waxaa ka mid ah shirkadaha bareefadka ah ee biyo galinta oo doonaya inay magaalada biyaheeda gacanta ku dhigaan,ceelashii dawladu hore u qoday iyo kuwo kale oo khayri ah oo  hay,ado qodeen,kuwii dawladii hore qodeen oo dad shicb ahi sheeganayaan. ayuu maareeyhu hadalkiisii kusoo xidhay.
Badhasaab ku xigeenka Gobolka togdheer Mr Ubaxle ,Maayarku xigeenka ahna ku simaha maayarka Burco Muxumad xasan jaamac (Xoday),wakiilka baanka Gobolada Bari Cumar Xogogaal,oday sodaani,oo dhamaantooda halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada ay in biyaha la ilaashadaa leedahay waxaanay hambalyo u soo jeediyiyeen wakaalda Biyaha Burco,ugu danabayna maareeyaha wakaalada Biyaha Burco ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay qaar ka mid  ah hay,adaha dawlada oo ay ka mid ahaayeen,Dawlada hoose ee Burco iyo wasaarada wax barashada kuwaas oo uu sheegay inay Biyaha iska Bixiyaan

 

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS