Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku dhawaaqay in ay fashiliyeen Isku Dayo Amandaro ah oo ay soo Abaabushay Dawlada Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku dhawaaqay in ay fashiliyeen Isku Dayo Amandaro ah oo ay soo Abaabushay Dawlada Somaliya.
April 10, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed (Waracade) Ayaa Xukumada Somaliya ku eedeyey in ay gudaha Somaliland ka waddo faro galin qaawan, waxaanu sheegay in Xukumada Somaliland fashilisay Iskudayo Amandaro ah  oo ay Dawlada  somaliya soo Abaabushay, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay Midnimadooda ilaashadan oo cadawa Duulanka ku ah ka feejignaadan.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Qudbad dheer oo uu maanta ka Jeedinayey Munaasibad balaadhan oo Lagu Mahad naqayey Golaha deeganka Sheffeild ee dhawaan Aqoonsaday Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Digniin Culus u diraya Dawlada uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu yidhi. “Waxaan Halkan Digniin uga dirayaa Cadawga Somaliland ee ka naxay Aqoonsiga Caalamku u qiray Somaliland, waxaanu aad uga xunahay dawlada yar ee ka dhisan Muqdisho, in ay aad uga naxeen  Aqoonsiga Caalamku siinayo Somaliland, waxaanu u aragnaa in Somaliland gudaheeda ay ka waddo fadqalalo iyo kharbudaad, waxaanu nahay ummad aan loo dhuuman Karin, waxaanu si weyn isha ugu haynaa, oo aanu u eegeynaa dhaqdhaqaaqa dawalda somaliya ay ka waddo gudaha Somaliland, waxaanu leenahay ha ku gubanina, waxaanu shacab iyo dawladba diyaar u nahay, in aanu dalkayaga ku difaacidoono dhiigayaga, waxaanu diyaar u nahay in aanu kashifno, ama dibada u soo saarno khidad kasta qarsoon oo waxa lagu yeelayo midnimada iyo wadajirka Somaliland, ummada Somaliland waxaan ugu baaqaya in ay wadajirkooda ilaashadaan.”ayuu yidhi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS