|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Safar U Jeedadiisa La Shaacin Ugu Baxay Dalka EThiopia iyo dareedanada ku Xeeran
April 21, 2014 - Written by Editor:Inkastoo aanu si rasmi ah u shaacinin Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade ujeedada nuxurka Socdaalkiisan uu ku tagey dalka Itoobiya, ayaa hadana sida ay ilo lagu kalsoon yahey uHargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa galinkan dambe ee maanta u baqoolay dalka Itoobiya isagoo, ka duuley Garoonka diyaaradaha Cigaal Internatinal Airport ee Magaalada Hargeysa, lama sheegin ilaa iyo inta uu qaadanayo socdaalkani. Inkastoo aanu si rasmi ah u shaacinin Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade ujeedada nuxurka Socdaalkiisan uu ku tagey dalka Itoobiya, ayaa hadana sida ay ilo lagu kalsoon yahey xaqiijiyeen, waxa ujeedada socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, dabada ku haysaa arimo la xidhiidha dhacadadii Saraakiisha Itoobiya kala kulmeen duleedka Magaalada, Gabiley taas oo mudooyinkii u dambeeyay Dowlada Itoobiya ku noqotey laf dhuun gashey, kadib markii ay xaqiiqsadeen in Dhaatooyin(Ducoment) sir ah lagala hadhey islamarkaana, laga shubtey macluumaadkii kujirey, taas oo ay hada u xidhan yihiin Masuulyiin katirsan Maamulka Gobolka Gabiley, halka qaar kalena lagu sheegay in ay wali banaanka joogaan. Waxa kale oo isla dhacdadan, dhawaan dalka Itoobiya u gaadhey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo weydaartey kadib markii uu kasoo noqdey dalka Itoobiya Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo isagu warbaahinta ka cadeeyay, in uu dalka Itoobiya ugaadhayo raali galinta dhacdadaasi, ka hor intii aanu ka ambabixin Caasimada Hargeysa todobaadkii hore. WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|