Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Sheegay In Ay Dalka Itoobiya Kulan Kula Yeesheen Madaxwaynaha Maamulka Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Sheegay In Ay Dalka Itoobiya Kulan Kula Yeesheen Madaxwaynaha Maamulka Puntland
April 30, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Wasiirka arrimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inuu kula kulmay Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo ka wada hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.

Mr Biixi oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka jirta Gobolka Sool, isla markaana labada dhinac wada hadal u wada yeelan lahaayeen. Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhammeeyo xiisada ka taagan Gobolka Sool, maruu arrintaas ka hadlaayayna wuxuu yidhi.

“Waxuu ahaa wada hadal aan ku falanqeynay xaalada Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan aad uga wada hadalnay in Wax walba aanu wada hadal ku xalino,  Somaliland waxay aaminsan tahay wada hadalka,  marnaba colaad ma soo dhaweyneyno, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland  waan u sheegnay in Somaliland xuduudaheeda aysan ahayn kuwo lagu xadgudbi karo waxaana rajeyneynaa inuu dhammaado Khilaafkaasi”.

Geesta kale kale wuxuu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis sheegay in Somaliland iyo Puntland ay hore u ahaayeen jiraan  wada shaqeyn wanaagsan leh, isla markaana ka wada shaqeeya dhinaca ammaanka iyo deris wanaaga, waxaana uu carabka ku dhajiyay in Somaliland ay waajib ku tahay inay hagaajiso derisnimada kala dhaxeysa Puntland, Itoobiya iyo Jabuuti.

Hadalkan Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, ayaa imanayaa xilli Madaxweyne Axmed Silaanyo fariin adag u diray dalka Soomaaliya guud ahaantii isagoo u sheegay inay Somaliland awood buuxda u leedahay difaaca dalkeeda, fariinta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd tii uu ka jeediyay shirweynihii Xisbiga KULMIYE, wakhtigaas oo Wasiirka arrimaha debaddu dalka ka maqnaa.

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS