|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirada Somaliland ee Addis ababa ku sugan oo la kulmay Wasiirka Federalka Itoobiya
April 23, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis ababa ayaa shalay iyo maanta kulamo waaweyn la kala yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Itoobiya iyo Dublamaasiyiin kale oo ku sugan Addis ababa. Labada Wasiir waxa ay shalay kulan balaadhan la yeesheen wasiirka Federalka Dalka Itoobiya oo ah wasiirka Arrimaha gudaha, waxaanay kala hadleen arrimo khuseeya xoojinta xidhiidhka labada Dal iyo kuwo dhinaca Amniga ah, iyadoo kulamadaasi ay qayb ka ahayeen masuuliyiinta dhinaca Amniga u qaabilsan dalka Itoobiya.Wasiiradda oo ku sugnaa Hotelka shaaratoon ee magaaladda Addis ababa oo uu la kulmay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen ayay u suurtogeli weyday in uu waraysi la yeesho hase yeeshee Wasiir Cali Warancade oo shir ku galayey Huteelkaasi ayaa u sheegay in ay hawlihii ay u yimaadeen si fiican ugu socdaan.Wasiir warancade ayaa si kooban u yidhi “ mudadii aanu joognay si wanaagsan ayaa naloo qaabilay waxaananu la yeelanay madax badan kulamo, waa adigaa arkaya sida naloo soo dhaweeyey” ayuu yidhiWasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo aanu khadka Telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Waahee ayaa isna sheegay kulamada ay la yeesheen madaxda ay la kulmeen in ay ahaayeenm kuwo dhinacyo badan taabanayey, isla markaana ay ku lafagureen xaaladaha ka taagan mandaqada, gaar ahaan kuwa Somaliland khuseeya. Wasiir Biixi waxa uu tilmaamay in dhamaan kulamadaasi ay ku gudbiyeen aragtida Somaliland ka qabto, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo Dan weyni ugu jirtay Somaliland.Dhinaca kale, wasiiradda Somaliland ayay safaaradda Dawladda Britain ku casuuntay xaflad loo samaynayo berri boqorada Dalka Ingiriiska, taasoo ay isugu imanayaan masuuliyiinta Safaaradaha Dalalka Dunida u jooga caasimadda Addis ababa.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|