Wasaaradaha Biyaha Iyo Deegaanka Oo Si Wada Jira U Soo Saaray Go,aamo Khuseeya Qodashada ceelasha Iyo Barkadaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradaha Biyaha Iyo Deegaanka Oo Si Wada Jira U Soo Saaray Go,aamo Khuseeya Qodashada ceelasha Iyo Barkadaha
April 1, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);Wasaaradaha Deegaanka Iyo Biyaha Ayaa Kulamo Ay Yeesheen Waxa Ay Kasoo Saareen.

Hargeisa(WJN):-Wasaaradaha Deegaanka Iyo Biyaha Ayaa Kulamo Ay Yeesheen Waxa Ay Kasoo Saareen Go’aamo Khuseeya Arimaha Deegaanka Iyo Biyaha.

Warbbixin Qoraal Ah Oo Ay Wasiirada Wasaaradaahaasi Si Wada Jira Ugu Soo Bandhigeen Saxaafada Oo Nuqul Kamidi Soo Gaadhay Shabakada Wararka ee Wajaalenews Ayaa Waxaa Uu U Dhiganaa:-

Ujeedo: Wargelin.

Kadib Markii Ay Shir Kuwada Galeen  Labada Wasiir Ee Wasaaradaha Khayraadka Biyaha Iyo Deegaanka Iyo Horumarinta Deegaanka Waxay Wada Jir Usoo Saareen Go’aamadan Hoos Ku Xusan:

A)     Markaanu Aragnay Qodobka 16 Aad Ee Dastuurka Qaranka Oo Tilmaamaya In Dawlada Dhaxe Masuul Ka Tahay Khayraadka Dabiiciga Ah.

B)      Marka Aanu Aragnay Qodobka 26 Aad Ee Dastuurka Qaranka Jamhuriyada Somaliland Oo Waajibiyay  In Dawladu Mudnaanta Koowaad Siiso Daryeelka Ilaalinta Deegaanka.C)  Sida Ku Cad Xeer Lr.04/98 Qodobliisa 12 Aad Farqadiisa 4aad.

In Aan La Qodi  Karin Iyada Oo Aan Ogolaasho Laga Haysan Wasaaradaha Khayraadka Biyaha Iyo Deegaanka Iyo Horumarinta Miyaga Harooyinka,Barkadaha,Iyo Ceelasha Cusub Ee La Doonayo In La Qodo .

Sidaa Daraadeed Waxaa Lagu Adkaynayaa Dhamaan Hay’adaha Dawlada,Kuwa Madaxa Banaan Iyo Dad Waynaha Warqadani Ku Socoto

Inay Dhawraan Sharciga Ilaalinta Deegaanka U Yaala Arintana Gacan Naga Siiyaan Se Loo Bad Baadiyo Deegaanka.

Waxaana Nuqulkan Ku Saxeexnaa Labada Wasiir Ee Wasaaradaha Biyaha Iyo Deegaanka Marwo Shukri X.Ismaaciil Baandare Iyo Xuseen Axmed Cabduule

COMMENTS
LINKS