Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo Ilaa Iyo haatan Wax Jawaab Ah Kasoo Saarin Xoolahii Lagu Baadhay Berbera Ee Laga Soo Celiyey Dalalka Khaliijka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo Ilaa Iyo haatan Wax Jawaab Ah Kasoo Saarin Xoolahii Lagu Baadhay Berbera Ee Laga Soo Celiyey Dalalka Khaliijka
April 7, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir ayaa Hargeysa ka kaxaystay koox Dhakhaatiir ah oo la sheegay in aanay ahayn kuwii khubarada ku ahaa Wasaaradaasi, waxaanu muddo ku dhaw shan cisho Magaaladda Berbera u joogaa sidii loo hubin lahaa Xanuunka Dalka Sucuudigu dib ugu soo celiyey labada Markab ee Geella siday.

Kulan masuuliyiinta Xanaanada Xoolaha iyo kuwa Gobolku yeesheen ayaa la sheegay in la iskula qaatay in aan Geel danbe Dekedda laga dhoofin illaa la soo taabanayo sababaha keenay kuwa hore in la soo celiyo maadaama Maxjarka Berbera marka hore cadeeyo in Xoolaha Dalka ka dhoofay Caafimaad qabkooda.

Ganacsatada leh Xoolaha la soo celiyey ayaa wali ka sugaysa Dr: Cabdi Aw Daahir natiijo ay ku qanci karaan, iyagoo dalbanaya in ay xukuumaddu Mag-dhaw ka bixiso Geelaasi oo soo celintuusi walaac ku abuurtay Bulshada reer Somaliland.

Wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya in wali Wasiir Cabdi iyo dhakhaatiirtu ku hawlan yihiin sidii dhinacw alba looga eegi lahaa xanuunka Boroseeluhu qaabka uu uga dhacayo Geella maadaama marka ay dhoofayaan Dhakhaatiirtu sheegto in ay Caafimaad qabaan.

Waxa in badan isa soo taraysay wasiir Cabdi Aw Daahir iyo masuuliyiinta ka hoosaysaa in ay dhayalsadeen Masuuliyadda weyn ee Wasaaraddu ay u leedahay qaranka, isla markaana Nidaam xumo baahsani saamaysay min shaqaale illaa Dhakaatiir taasoo aan loo aabo yeelin mudadii ay xilka hayeen.

Sidoo kale, xulashada wasaaradda loo xushay Laba Dhakhtar oo kuwa Dadka ah ayay dad badani saaraan eedaha arrimaha wasaaradaasi ragaadiyey, waxaanay ku doodaan in ay haboonayd midkood in uu ahaado dhakhtar Xoolaa

 

Wajaalenews.net

xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS