Wasaarada Caafimaadka Oo Ayna Kasoo Xaadirin Mas,uuliyiinta Wasaaradaasi Iyo Wasiirkii Oo Ku Maqan Safar Aan Ujeedadiisu Cadany | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Caafimaadka Oo Ayna Kasoo Xaadirin Mas,uuliyiinta Wasaaradaasi Iyo Wasiirkii Oo Ku Maqan Safar Aan Ujeedadiisu Cadany
April 12, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN) Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa saaka haawanaysa Ma jirin wax maamul ah oo ka shaqaynaya marka laga reebo istaafka iyo askarta ilaalisa oo aan dadka u ogolaanaynin in gudaha loo gaalo xaruntaasi lamana oga shaqadda ka socota gudaha Wasaradaasi.

Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimihiisi ayaa la sheegay inay safar aan ujeedadiisu cadayn ugu baxeen Dalka Kenya halka wasiir ku xigeenkii Wasaaradduna ay fasax la sheegay inuu mudo bil ah qaadanayo ku jirto .
Warar Xog ogaal ah ayaa Oodweynenews uxaqiijiyay in Fasaxa Wasiir ku xigeenka lagu dambabasayo Khilaaf iyo ismaandhaaf shaqo oo ka dhex hursan Wasaaradaasi Caafimaadka siiba Labadda Masuul  ee usareeya Wasiirka iyo Kuxigeenkiisa.
Sikastaba ha ahaate khilaafka Wasaaraddasi ee kala irdheeyay masuuliyiinta usarsareeya ayaan ahayn markii uhoreysay.

Wajaalenews.et
Hargeysa/Office

 

COMMENTS
LINKS