warshadii laydhka hargeisa oo mudo baqtiisan iyo shaqaalihii oo sheegay in ay xukumadu ku wargalisay in la iibinayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
warshadii laydhka hargeisa oo mudo baqtiisan iyo shaqaalihii oo sheegay in ay xukumadu ku wargalisay in la iibinayo
April 6, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajalenews)Mishiinadii Wershadda Laydhka Hargeysa Ayaa Maalintii Saddexaad Bakhtiisan, Ka Dib Markii Uu Mishiinkii Labaad Ciladoobay Khamiistii.

Labada Mishiin Ee Loogu Tallo Galay Inay Wershadu Ku Shaqayso, Ayuu Mid Ka Mid Ah Toddobaad Bakhtiisanyahay Halka Uu Kii Labaadna Maalintiisaddexaad Galay, Waxaana Sidaas Ku Koronto La’ Dadweyne Tiro Badan Oo Reer Hargeysa Oo Isticmaali Jiray Dabka Wershadda Korontada Hargeysa.

Labada Mishiinba Waxay U Fadhiyaan Cilad Ku Habsatay, Kuwaas Oo Tan Iyo Xalay Lagu Gudo Jiray Xal U Helistooda. Maamulka Wershadda Korontada Hargeysa Oo Aanu Isku Daynay Inaanu Wax Ka Weydiino Ayaanay Noo Suurtogelin. Laakiin Tan Iyo Markii Wershadaas La Aasaasay Dhawr Iyo Toban Sannadood Ka Hor Waa Markii U Horaysay Ee Si Rasmi Ah Hawada Uga Baxdo.

Xukuumadda Somaliland Ayaan Si Rasmi Ah Uga Hadal Laydh La’aanta Bulshada Haysata Iyo Ciladda Haleeshay Wershadda Korontada Hargeysa, Waxaanay Dadweynaha Magaalada Hargeysa Isweydiinayaan Sababta Ay Xukuumadu U Daawanayso Ciladda Wershadda Haleeshay.

wajaalnews.net

xafiiska wararka hargeisa

 

Tiraba Saddex Maareeye Ayaa Afartii Sannadood Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka Hayay Soo Maray Wershadda Korontada Hargeysa.

COMMENTS
LINKS