|
|||||
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed;Xisbiga Waddani oo Xukumada Siilaanyo Eedeymo Culus Dusha ka saaray
April 6, 2014 - Written by Editor:Warsaxaafadeed HARGEISA(Wajaalenews);Xisbiga WADDANI waxa uu aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay dusha u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda. Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda, waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan. Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan, waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in. Sidaa darteed waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta. Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda.
Alla Mahad Leh
Md, Axmed Muumin Seed Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ana Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|