Warsaxaafadeed Ku Suntan Saami-qaybsiga Ergooyinka KULMIYE Oo ay Soo Saareen Beesha Maxamed Isaaq (Cabaas) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed Ku Suntan Saami-qaybsiga Ergooyinka KULMIYE Oo ay Soo Saareen Beesha Maxamed Isaaq (Cabaas)
April 19, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Beesha Maxamed Isaaq (Cabaas), ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay inay aad uga xuntahay saami xisbiga Kulmiye ku magacaabay oo laga siiyay ergadda Xisbigaas shirweynihiisa. Islamarkaana, saxaafadda lagu bandhigay.

Warsaxaafadeed arrintan hoggaanka dhaqanka Beeshu ka soo saaray waxaa ay ku yidhaahdeen sidan: “Waxaa jirta in 16 April, 2014 ay qaar ka mida saxaafada madaxa banaan, qaybteeda hadla qoraalku ay daabaceen war ku saabsan  saami qaybsiga ergada beesha Sacad Muuse uga qaybgelaysa shirweynaha Xisbiga  Kulmiye, kaas oo lagu xusay in ergada laga siiyey Beesha Maxamed Isaxaq (Cabaas) ee shirka uga qaybgeli doonta tahay hal xubin.

Hadaba anagoo ah Odeyaashii,Dhallinyaradii,Culimadii iyo aqoonyahankii beesha Maxamed Isaxaaq (Cabaas) waxaanu halkan ka cadaynaynaa in shirkaas anagu aanaan ka soo qayb geli doonin, maadaama habka loo qaybiyey ergadaas beesha Sacad Muuse aanay ahayn mid si cadaalada loo qaybsaday, qaybta laga siiyey beesha Cabaas na aanay ahayn wax u qalma karaamada iyo haybada beeshan.

Waxaa xusid mudan in beeshani taariikh dahaba ku leedahay aasaaskii iyo hirgelintii mabda’a siyaasiga ah ee xisbiga Kulmiye,sidoo kalena la wada ogyahay taariikhda quruxda badan iyo magaca ugu baxay beeshan halgankii qadhaadha ee dalka lagu xoreeyey oo aanu leenahay “nin ragi wuu garanayaa doqona loo sheegi maayo”,  sidaas darteed waxaanu halkan jawaab ugu soo gudbinaynaa  nimanka siyaasiyiinta isku sheega ee ergadana qaybiyey oo anagu aanu u naqaano kaaba qabiilo, waxaananu leenahay beeshani wax go lagu qaado ka weyn ee reerihiina aad sadbursiiyaha siiseen ugu dara xubintaad nagu soo qorteen.

Ugu dambayntii waxaanu aad uga xunahay in dadkaas wax ma garatada ah ee siyaasiyiinta isku sheegaya ay magacayaga ku soo qoraan warbaahinta, beeshuna waxay ka fiirsan doontaa yuhuunteeda Siyaasiga ah ,Iyadoo beeshu taageeri doonta  cidii aaminsan Siyaasad ka xor ah Jahli, Qabyaalad, Cunsuriyad iyo Nin jeclaysi.

Beesha Maxamed Isaxaq (Cabaas) waxay halkan ka cadaynaysaa inay taageersantahay waxqabadka Xukuumada uu hogaaminayo H.E. Ahmed Mohamed Siilaanyo, waxaanu ku soo gebagebaynaynaa “Rabow Barwaaqo ku soor Somaliland”.

 

Allaa Mahad Leh

1.      Chief Caaqil Aadan Ismail Xuseen

2.      Caaqil Faarax Iidaan Caraale

3.      Caaqil Aadan Yusuf Dhancade

4.      Caaqil Ibrahim Axmed Cabdi

5.      Odey Ibrahim Saleebaan Cawaale

6.      Odey Good Cabdi Axmed

7.      Odey Axmed Diiriye Yaasiin

8.      Odey Cabdi Xasan Ibraahim

 

COMMENTS
LINKS