War DegDega Muwaadiniin Basaskooda Ku Dhajiyey Istiikaro Ay Ku Xardhantay Free Haatuf And Hubaal oo Xabsiga loo Taxaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War DegDega Muwaadiniin Basaskooda Ku Dhajiyey Istiikaro Ay Ku Xardhantay Free Haatuf And Hubaal oo Xabsiga loo Taxaabay
April 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xukuumadda Siilaanyo ayaa qaaday talaabadii ugu danbaysay ee ay ku cabudhinayso xoriyatul-qawlka ka dib markii ay maanta sifo sharciga baalmarsan u xidh-xidhay muwaadiniin basaskooda ku dhajiyey Istiikaro ay ku xardhan yihiin Free Haatuf and Hubaal, kuwaas oo baabuurtaas iyo ragii wadayba xabsiga ay u taxaabeen ciidamo Bilays ahi.

SAMSUNG

Sida ay Wajaalenews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku jira muwaadin magaciisa la yidhaahdo Qorane Yuusuf Cawaale ayaa isaga iyo baskiisaba ay ku xidhan yihiin halkaasi, isla markaana aan ilaa imika si dhab ah loo garaynin cida amartay xadhiga baabuurkaas lagu xabisay Istiikarka uu ku taageerayo Xoriyatul-qawlka.

Dhinaca kale talaabadan ay maanta qaaday xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa mid muujinaysa in heerkii ugu xumaa ay la marayso Xoriyatul-qawlkii dalka, iyada oo aanay wali dalka hore uga dhicin in la isku xidh-xidho afkaartii uu muwaadiniinta u ogolaaday Distuurka Somaliland, isla markaana dhacdooyinkii Wadanka ka dhacay Saddexdii Sano iyo badhkii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye talada dalka haysay ayaa waxa dalka ka dhacay tacadiyadii, gabood-faladii  iyo xad-gudub-yadii ugu badnaa mudadii ay Somaliland jirtay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS