War deg deg ah Maxaabiistii Argagixisada ahayd ee ku xidhnayd Jeelka Hargeysa oo jabisay, Dagaal culus-na ka dhex wada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War deg deg ah Maxaabiistii Argagixisada ahayd ee ku xidhnayd Jeelka Hargeysa oo jabisay, Dagaal culus-na ka dhex wada
April 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajalenews.net)Maxaabiistii Argagixisada u xidhnayd ee Jeelka Hargeysa oo dagaal ka dhex riday Jeelkiina jabsatay

breaWararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in Maxaabiista Argagixisada ahi Hub ku dhex heshay Jeelka isla markaana markii qadada loo keenay ay rasaas ku fureen Askartii xabsiga, waxaana u suurtogashaya in ay Jeelka jabiyaan oo banaanka usoo baxaan

Laba ka mid ah Argagixisada Jeelka jabisay ayaa la qabtay, halka kuwao kale Jeelka gudihiisa ku dagaalamayaan

Qof goob jooge ah ayaa ku soo waramaya in ay qaarkood galeen Masaajaidka Ibraahim Dheere eek a soo horjeeda Jeelka, ciidamada Somaliland-na isku xeereeen.

Maxaabiista Masaajidka gashay ayaa loo mari la’yahay gudaha masaajidka, waxaana laga cabsi qabaa in ay waxyeeleeyaan dadka masaajida ku dhex jira

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay baastoolado ku dhex heleen maxaabiistu Jeelka isla markaana illaa hada dagaalamayaan

Wajaalenews.net

Xafiiska wararka hargeisa

COMMENTS
LINKS