|
|||||
WAJAALE NEWS
wado hadalo dhanka hawada ah oo maanta somaliland iyo somaliya uga furmaya dalka turkiga iyo wasiirka ugu musuq maasuqa badan somaliland oo u matalaya wada hadaladaasi somaliland
April 1, 2014 - Written by Editor:hargeisa(Wajaale)Wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka fumray magaalada ugu weyn ahna xarunta ganacsiga dalka Turkiga ee Istanbul. Wadahadalkan oo daba socda heshiis horay labada dhinac u dhex maray, waxaa arrimaha looga arrinsan doono ugu muhiimsan maamulka hawada Soomaaliya oo horay Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ay heshiis hordhac ah uga gaadheen. Ergooyinka ka kala socda labada dhinac waxaa kala hoggaaminaya Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Siciid Jaamac Qoor-sheel iyo dhiggiisa dhinaca Somaliland Maxamuud Cali Xaashi Cabdi maxamuud xaashi cabdi ayaa iasgu ah wasiirada ugu awooda badan somaliland isla markaana iasgu an cidna wax talo ah ka dhgaysan ayaan lagu kalsoonan karin ka qayb galka wada hadaladaasi iyada oo lawada ogyahay in uu wasiirku hore u lunsaday lacag malaayiin dolar ah oo loogu talo galay in madaarka caasimada hargeisa lagu gaadhsiiyo madaarada caalamiga ee caalamka, Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Siciid Jaamac Qoor-sheel oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in arrimaha ugu badan ee shirkan diiradda lagu saari doonaa ay yihiin kuwo farsamo oo ku aadan qaabka ugu fudud ee maamulka hawada Soomaaliya loo soo wareejin karo, kaddibna ay Dowladda Federaalka iyo Somaliland isula agaasimi lahaayeen. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, wuxuu maamulka hawada Soomaaliya si toos ah u hoos tegayey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICAO). wajaale.net
xafiiska wararka hargeisa
Related posts:DAAWO ;Dawaynaha Reer Wajaale Oo ka Dayriyay Halis Caafimaad Oo ka Iman Karta Qashin Buux Dhaafay Iy... Wadanka Somalia oo Maanta la filaayo in uu Maxkamadda ICJ u Gudbiso Dacwad ka dhan ah Muranka Badd... Daawo: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Soo Bandhigay Waxyaabihii U Qabsoomay Sanadkii Tagay Ee 2017-Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|