“Waa Xaaraan Waana Arrin Naxdin Leh In Ardayda Loo Adeegsado Rasaas Nool Iyo Jeel Sidii Cadaw Shisheeye Ah” Xoghaye Dhagayare | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waa Xaaraan Waana Arrin Naxdin Leh In Ardayda Loo Adeegsado Rasaas Nool Iyo Jeel Sidii Cadaw Shisheeye Ah” Xoghaye Dhagayare
April 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xoghayaha Waxbarashada Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare) oo shirjaraaid ku qabtay xarunta guud ee xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa si ba’an u cambaareeyey rasaastii noolayd ee loo adeegsaday ardaydii jaamacadda hargeysa.

Xoghaye Dhagayare ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “ waxanu maanta halkan ka cambaaraynayanaa falka foosha xun ee lagula kacay ardayda jaamacadda hargeysa ee maamulka Siilaanyo hogaamiyaa rasaasta nool la dhacay aad iyo aad ayaanu uga xunahay una cambaaraynaynaa”.

Isagoo halkiisa sii wata wuxuu yidhi “ ardayda dastuurka dalka ayaa u damaanad qaaday inay ra’yidooda ku cabiraan wixii ay doonayaan iyo waxay diidayaanba, waxanay xaq u leeyihiin in lagaga xaalo oo laga qanciyo wixii ay doonayaan ama ay diidayaan, balse waa xaaraan waana arrin naxdin leh in ardayda loo adeegsado rasaas nool iyo jeel sidii cadaw shisheeye ah, oo cagajuglayn iyo carjuuqdhe layidhaahdaa waa mamnuuc, sharciguna iyo dadnimaduba ma ogola arrintaas”.

Xoghayaha waxbarashada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare) wuxuu ku tilmaamay falkaas ardayda lagula kacay mid kalitalisnimo waxaanu yidhi “waa bidhaan kalitalisnimo in ardaydii jaamacaddaha loo adeegsaday rasaas iyo jeel, oo lagu cabudhiyo loona dhiido inay aragtidooda soo bandhigaan lagana qanciyo waxay diidayaan, arrintaasina waa tan keenaysa inay ardaydu jar iska xooraan oo tahriibaan marka la cabudhiyo ee la yidhaahdo car juuqdhaha”

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS