TOBABARE DAVID MOYES OO MUDO HALSANO AH KU BURBURIYEY RAJADII MUDADA 18 SANADOOD AHAYD EE UU SOO DHISAYEY TOBABARE SIR ALEX FERGUSON | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TOBABARE DAVID MOYES OO MUDO HALSANO AH KU BURBURIYEY RAJADII MUDADA 18 SANADOOD AHAYD EE UU SOO DHISAYEY TOBABARE SIR ALEX FERGUSON
April 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa (WAJAALENEWS SPORT) Mudo sanad ka hor markii ay kooxda Man. United ku soo gaba gabaysay guulo hor leh taas oo ay ku sagootidayna macalinkeedi Sir Alex Ferguson, waxa shaqada macalinimo la wareegay tobabare David Moyes oo noqday tobabarihii ugu xumaa xili ciyaareedkan.

Markii ugu danbeysay ee Manchester United ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League, waxa ay aheyd markaas xilli aad Champions League ugu soo bixi kartay kaliya inaad qaado horyaalka wadankaaga.

1995tii Blackburn Rovers ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League sidaasi darteedna waxa ay ahaayeen kooxda kaliya ee England u mataleysay Champions League sannadkaas; Fergie ayaana United u soo saaray wareega group-yada 18kii sanno ee ku xigtay.

Waxa ay aheyd rikoor cajiib ah, taasoo ay caawisay balaarintii ay UEFA balaarisay koobka iyo in la fududeeyo sida loogu soo baxo wareega group-yada Champions League, laakiin si kastaba waxa ay marqaati u aheyd awoodii uu Sir Alex Ferguson ka bauuray Old Trafford.

Hal xilli ciyaareed gudaheed David Moyes ayaa waxaas oo dhan tirtiray. Isagoo heysta isla ciyaartoydii qaaday horyaalka xilli ciyaareedkii hore, United ayaa si rasmi ah haatan awood ugu laheyn inay u soo baxdo Champions League.

Guuldarro 2-0 ah oo ka soo gaartay Everton oo uu horumarin ku sameeyay Martinez markii uu Moyes baxay ayaa ka dhigtay xisaab ahaan inay macquul aheyn in United ay ku dhameysato kaalinta afaraad.

 

 

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS