Talyaaniga oo Milateriga Soomaaliya ugu deeqay qalab iyo gaadiid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talyaaniga oo Milateriga Soomaaliya ugu deeqay qalab iyo gaadiid
April 2, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(WAJAALENEWS);Dowladda Talyaaniga ayaa maanta qalab iyo gaadiid ay ku jiraan kuwa dagaalka ugu deeqday milateriga dowladda Somalia, iyadoo munaasabadda wareejinta qalabkan uu ka qaybgalay ra’iislu wasaaraha xukuumadda, C/weli Shiikh Axmed Maxamed iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Talyaaniga taageerada ay u fudiyeen ciidanka qalabka sida, wuxuuna ku tilmaamay ifafaalaha dib u soo laabashada xiriirkii soo jireenka ahaa ee Somalia iyo Talyaaniga u dhexeeyay muddada dheer.

Munaasabadda qalabka lagu wareejinayay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ayaa waxay ciidamada milateriga Soomaaliya ku guddoomeen qalab ka koobnaa gaadiid ciidan oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa fududeeya howlaha kale ee ciidanka, dharka iyo agab xafiiseed, waxaana munaasabadan ka qaybgalay safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Somalia danjire Andrea Mazzello iyo saraakiil sare oo ka socotay wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga iyo ururka Midowga Yurub oo dhinaca tababarrada ka saacida ciidamada Soomaaliya.

C/weli Sheekh ayaa xusay in qalabkan ay Talyaanigu ugu deeqeen ciidamada uu ku soo beegmay xilli ay baahi jirto, maadaama ay howlgallo ciidan ka soconayaan qaar ka mid ah gobollada dalka, isla markaana ciidanku u baahan yahay taakuleynta dhanka gaadiidka iyo agab kale ee ciidamada ah.

Qalabkan wuxuu ka tarjumayaa heshiiskii iskaashiga dhanka ciidamada ah oo ku dhexmaray Soomaaliya iyo Talyaaniga magaalada Roma bishii September ee lasoo dhaafay, waxaana filaynaa in si buuxda uu u dhaqangalo heshiiskaas oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta iyo dib u dhiska ciidankeena qalabka sida,” ayuu C/weli Sheekh ka sheegay kulanka.

Dhanka kale, danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soalia, Andrea Mazzello oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in taageerada dowladda Talyaaniga ay u fidisay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka tahay daacad, ayna doonayaan inay si toos ah ula tacaamulaan dawladda iyo hogaankeeda.

“Waxaan ballan-qaadeynaa inaan sii laba jibaarno taageerada aan siinno dowladda federaalka Soomaaliya, waana naga daacad garab-istaageenna” ayuu yiri danjire Andrea Mazzello ka yiri kulanka.

Taageeradan ciidan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo isla todobaadkan ay dowladda Talyaanigu tababar u soo gabagabeysay 10-sakaal oo booliiska Somalia ka tirsan, kuwaasoo la sheegay inay qaateen tababar la xiriira howlaha ay u hayaan bulshada.

WAJAALENEWS DESK

QUMDISHO OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS