Somaliland Waxaan Kala Hadlay In Ay Ciidan Keeda Kala Soo Baxdo Taleex. Mr Nickalos | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waxaan Kala Hadlay In Ay Ciidan Keeda Kala Soo Baxdo Taleex. Mr Nickalos
April 27, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Ergayga Qaramada U Qaabilsa Wadanka Somaliya Mr Nickalos Kay Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu Door Muhiim Ah Ka Qaatay Sidii Ay Ciidanka Somaliland Uga Soo Bixi Lahayeen Magaalada Taleex Ee Xuduudka Ay Wadaagaan Maamul Goboladeeka Putland Iyo Wadanka Somaliland.

Mr Nickalos ayaa bayaamiyey inuu khadka taleefanka kula soo xidhiidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland isla markaas uu ku wargaliyey in ciidanka somaliland ay dib uga soo baxaan magaalada taleex.

sidaas waxa uu ku sheegay mar uu waraysi siinayey Telefiishanka Universal xarunta uu ku leeyahay magaalada London.

”way jirtaa in ciidamada somaliland ay tageen degmada taleex waxay joogeen muddo kooban oo kaliya,taasina way dhalisay arrimo badan oo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed, waxaan sameeyay wixii ay ila ahayd inaan sameeyo oo ahayd inaan la hadlo Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Puntland, waxaanan ku dhiirigaliyey inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara dagaal ama sababi kara inuu dagaal ka dhaco deegaanka Taleex, sababtoo ah dagaal ma keeno xal.

Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka somaliya waxa kale uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxa jira dad ku nool deegaanka Taleex oo aan marnaba doonayn inay ka mid noqdaan Somaliland ama Puntland, oo qaarkood aaminsan Khaatumo, markaa farriin taydu way caddahay, waxaanan aamin sanahay inaan marnaba loo baahnayn dagaal, laakiin waa in Somaliland iyo Puntland ay xoogga saaraan sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada, khaasatan ururka Al-shabaab.

waxa kale uu iftiimiyey”Markaa waa inaynu ka wada shaqeynaynaa nabadeynta deegaanka Taleex, oo aynu ka hor-tagnaa wax kasta oo dagaal keeni kara, Masuuliyiinta Somaliland waanu ka wada hadalnay Arrinta Taleex, waxayna ii sheegeen in aanay marnaba doonayn khilaaf iyo dagaal, waxayna sheegeen in Masuuliyiinta Somaliland ay ciidankooda dib ugala laabanayaan Taleex

COMMENTS
LINKS