Somaliland oo soo Dhawaysay Go’aankii Golaha Deegaanka Sheffield ee UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo soo Dhawaysay Go’aankii Golaha Deegaanka Sheffield ee UK
April 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ayaa soo dhoweeyey go’aankii ka soo baxay golaha deegaanka magaaladda Sheffield ee dalka Ingiriiska oo shalay sheegay inay taageerayaan aqoonsi ay hesho Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo goobjoog ka ahaa taageeradda ay golaha deegaanka Sheffield siiyey Somaliland ayaa u mahadnaqay golahaasi Sheffield.

“Waxaanu u aragnaa guul weyn oo u soo hoyatay dadka reer Somaliland, waana guul aanu u aragno in maanta dad ka mid ah caalamku ay aqoonsadeen, oo ay ictiraafeen inay Somaliland buuxisay dhamaanba shuruudihii dawlad looga baahnaa, markaa waxaanu talllaabadaasi u aragnaa arrin weyn oo caalamka intiisa kalena ay ku dayan doonaan”ayuu yidhi wasiir Biixi oo la hadlayey warbaahinta.

Waxaanu intaas ku daray“Waxay noo balanqaadeen golaha deegaanka magaaladda Sheffield inay arrintani dabagelayaan oo ay gaynayaan ilaa baarlamaanka Ingiriiska iyo baarlamaanka Midawga Yurub, bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Sheffield oo hawshan si sharaf leh u soo maamulayna mahad ayay ummadda ka mudan yihiin, waana wax aanay taariikhdu ilaawi doonin.”

Golaha deegaanka magaalada Sheffield ayaa shalay fadhi ay yeesheen xildhibaanadda golaha deegaanka Sheffield  Somaliland u aqoonsaday qaran buuxiyey dhammaanba shuruudihii looga baahnaa dawlad dimuqraadi ah.

Fadhigan waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Maxmed Biixi Yoonis, Wasiirka macdanta iyo tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Dadweynaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey hadal hayey aqoonsiga golaha deegaankaasi siinayey Somaliland, waxaanay illaa xalay noqotay waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay gudaha Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa ka doodaya faa’iidadda ay keeni karto aqoonsiga magaalo ka mid ah magaalooyinka Ingiriiska.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS