Shirkadda Telesom Oo $8,000 oo Dollar ku Tabarucday Saddex Waddo Oo Magaalada Hargeysa Laga Hirgaliyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Telesom Oo $8,000 oo Dollar ku Tabarucday Saddex Waddo Oo Magaalada Hargeysa Laga Hirgaliyey
April 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Shirkadda Telesom ayaa maanta saddex waddo oo magaalada Hargeysa ku yaala kaga qayb-qaadatay lacag dhan $8,000 lacagtaasi oo shirkadda Telesom gudoonsiiyey guddida dhismaha wadooyinkaas.

Xaafadda Madiinatul Munawara oo ku taala halka ay iska kala gooyaan waddada Xero-awr iyo boqol iyo kontanka ayaa laga sameeyey waddo cabirkeeda lagu qiyaasay kiloomitir badhkii. Shirkadda Telesom ayaa waddadaasi kaga qaybqaadatay lacag dhan $3,000 oo dollar.  Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay munaasibadda bixinta lacagta deeqda ah ee shirkadda Telesom waxaanu halkaasi ka sheegay doorka ay shirkadda Telesom ka qaadato arimaha horumarinta bulshadda. Waxaa iyaguna mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom guddida xaafada Madiinatul Munawara oo ay ka mid ahaayeen Jaamac  Cabdi Axmed, Khadar Cabdilahi Jaamac, Maxamed Maxamud Ciise iyo Eng. Axmed Warsame waxaanay dhamaantood shirkadda Telesom ku amaaneen sida ay uga qayb qaadato dhismaha wadooyinka dalka iyo arimaha kale ee bulshadda.

telesom

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay Buundo laga dhisay Xaafadda Macalin Warsame oo ku taala agagaarka hotel Xamdi ee Bariga Magaalada Hargeysa.  Munaasibadda shirkadda Telesom kaga qaybaadatay oo ay ka soo qaybgaleen Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo, Maamule ku-xigeenka ZAAD Cali Cabdiraxmaan, Madaxa Warbaahinta Maxamed Ibraahim Cabdilahi, iyo guddida xaafadda oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed Faarax (Fool), Sheekh Khadar Cumar Khaliif iyo masuuliyiin kale. Shrikadda Telesom ayaa kaga qayb qaadatay dhismaha Buudadan oo ay shirkaddu ugu tabarucday $2,000 oo dollar.

IMG_2179

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale ka qaybqaadatay dib u habayn balaadhan oo lagu sameeyey waddada xaafadda siinay waddadaasi oo tan iyo intii ay la dhisay dawladii hore ee Soomaaliya ayaan mar kaliya lagu sameeyn wax dayactir ah sida ay sheegeen guddida dhismaha wadadda xaafadda Siinay. Shirkadda Telesom ayaa kaga qayb gashay dib u dhiskan lagu sameeyey waddan $3,000 oo dollar. Madaxa Suuq-gaynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee mshirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ku wareejiyey gudoomiyaha guddida waddadaasi Maxamed Maxamud Ismaacil lacagtaasi tabarucaadk ah.

telesommk

Waxaa madasha gudoonsiinta waddada xaafadda Siinay ugu horayn ka hadlay Maxamed Darbo oo ku hadlaayey afka shirkadda Telesom waxaanu yidhi, “Waxaan guud ahaan mahad gaar ah u dirayaa dadweynaha xaafad Axmed Dhagax ku nool gaar ahaan Siinay oo karti iyo dhabar adayg u sameeyey wadadaasi ay sameeyeen oo qiimo badan ugu fadhida dadweynaha xaafadda  ayna ku baxday lacag aad u fara badan iyo juhdi aad u badan. Waxaanan guud ahaan cid kasta oo ka qaybqaadatay waddadaa waxaan leeyahay Ilaaahay jasaa ha idinka siiyo meeshii aad ka soo qaadeen wax khayr qaba Ilaahay ha idiinku badalo. Shirkadda Telesom oo ka mid ah shirkadaha waddanka ka shaqaysta kuna caan ah in ay hadda iyo jeer  ka qaybqaadato horumarka dalka ayaa maanta waxaanu odoyaasha xaafadda ku wareejin doonaa tabarucaadkii shirkadda Telesom ugu talogashay dadweynaha xaafadan ku nool inay kala qaybqaadato dhismihii wadadaa lagu sameeyey ama dayactirkii weynaa ee lagu sameeyey waddadaa  oo aanu ugu talo galnay in aanu kaga qaybqaadno saddex kun oo dollar ($3,000) oo ah faa’iidada ay shirkaddu ay ka hesho dadka ay ka shaqaysato oo ah lacagta ay ka hesho”.

Maxamed Nuux Jibriil oo ku hadlaayey afka guddida waddada xaafadda Siinay ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay tabarucaadka ay shirkadda Telesom kaga qaybqaadatay dib u dhiska lagu sameeyey waddadan xaafadda Siinay.  Maxamed Nuux ayaa yidhi, “Waxaanu leenahay Shirkadda adeega bulshadda aad u qabataan waad ku mahadsan tihiin adeega arimaha bulshadda ee aad ka qaybaadataanna waad ku mahadsan tihiin waanan idin hambalyeynaya. Degmaddan Axmed Dhagax waxay gaar ahaan idiinku mahadnaqaysaa ka qaybgalka aad ka qaybqaadateen waddadan Siiinay oo ah waddo halbowle u ah deegaankan degmadda Axmed Dhagax iyo caasimadda Hargeysa oo isku xidha suuqa iyo degmadda ay jaarka yihiin ee Maxamud Haybe. Markaa waxaan idin leenahay aad baan idiinku mahadnaqaynaa  waanan idinku hambalyeynaynaa”.

IMG_2225

Waxaa ugu dambayntii isna madasha ka hadlay Jiif Caaqli Cabdilaahi Faarax waxaanu sheegay in waddadan oo ah mid ah waddadii ay dhistay dawladdii Siyaad Bare aan lagu sameyn wax dhayactir ah,  waxaanu xusay in ay waddan oo si aad ah u burburtay ay ka damqadeen bulshadda dagan xaafadda Siinay. Waxaanu sheegay in dawladda iyo bulshaduba wax la qabato bulshaddii iyadu wax qabsata. Intaasi ka dib waxaa uu shirkadda Telesom uga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay dhismaha waddan.  Jiif Caaqil Cabdilaahi ay ka codsaday shirkaddaha kale ee xaafadda ka ganacsadda in ay kala qaybqaadaan arimaha bulshadda.

IMG_2225

Shirkadda Telesom ayaa bilahan u dambeeyey  si weyn uga qaybqaadanaysay horumarinta arimaha bulshadda oo ay u badnaayeen dhismaha waddooyinka. Tababarucaadkan maanta ayaa noqonaysa wadaddii afraad ee ay shirkaddu ka qaybqaadato labadan todobaad ee u dambeeyey.

IMG_2267

darbo

IMG_2067

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS