Sheekh Aadan Siiro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Si Diiranna Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan Siiro Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Si Diiranna Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Hargeisa
April 23, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siirro), oo ka mida Culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Egal International Airport, kadib markii uu in Muddo ah arrimmo Caafimaad uu ugu Maqnaa dalka Malaysia.

Hargaysa(wjn):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siirro), oo ka mida Culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Egal International Airport, kadib markii  uu in Muddo ah arrimmo Caafimaad uu ugu Maqnaa dalka Malaysia.

 
   

Waxa Madaarka Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Culimaa’udiin, Dhalinyaro, Aqoon-yahan, Haween iyo marti-sharaf tiro baddan.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siirro) oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad baddan iyo sida qiima baddan ee ay dadku soo dhaweeyaan ayaa waxa loo soo galbiyey Hutelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,halkaasoo uu saxaafada ugu waramay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro)  ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan-ba dadkii sida diiran u soo dhaweeyey,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Waxaan u mahad-celinayaa dhamaanba dadkii khayrka badnaa ee habeenka madoow iyo saacadaha wax la aqbalo ee ILAAHAY soo baryayey.”

“Hooyooyinka agoonta korinaya, iyo kuwaa indhaha la’a iyo kuwa dalka u soo leeleelay, oo runtii cid taqaana ay yar tahay ee maryaha cas-cas leh, ee marka ay waddooyinka marayaan inta baddan ku duceeya ILAAHOOW dalka noo hagaaji, ILAAHOOW hogaanka noo hagaaji, ILAAHOOW dalkayaga noo barwaaqee, ILAAHOOW khayraadkiisa noo soo saar,kuwaasi waa kuwa ay awoodoodu ilaalinayso dalkan aynu maanta waddno.waa kuwa dhacdadii ugu danbeysay ee ka dhacday Jeelka u gurmaday dalka,”.Ayuu yidhi Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Siirro waxa uu ku dooday oo uu yidhi”Imika waxaan ka imid Maleysia oo waxay jaar yihiin Singabuur oo waxa dadka ku nool 5-milyan (Shilyan milyan) Afar kun iyo sideetan kun ayaa Maleysia uga ka laha, tobbankii sanadood-ba mar ayaa waxay ka iibsadaan Maleysia dhulka lagu aasayo dadka oo xitaa dhul lagu aaso malaha, hadaad tagto bakhaarkan yar ee inagu xiga kartoonka yar ee yaala waxa iska leh Singabuur, umaddaasi maxay qabtaan? Ma Batrool ayey leeyihiin? ma Bad ayey leeyihiin? maxay leeyihiin waa niman dilaaliina….waxa ka weyn gobolka Maroodijeex, waa halkii nimankii dalka u soo halgamay ay odhan jireen ‘Dhako ayey keeneen”, macnaheedu waxa weeye maskaxdooda ayey isku geeyeen”.
“Dadka halkan fadhiya 90% (Boqolkiiba sagaashan) waa dhalinyaro kuwaas ayaa dalkan dhaxlaya oo u baahan in shaqo loo abuuro, tallada meel isugu geeya”.

“Waxa uu Rasuulku yidhi (N.N.K.H) haddii uu qof ku samofalo u abaal-gud, haddii aad kari-weydana waxaad tidhaahda ‘ILAAHAY ha ka abaal-mariyo’, waxaan idin leeyahay ILAAHAY ha idinka abaalmariyo, aad ayeynu u wada hadli doona, aad ayeynu u wada-tashan doona ILAAHAY-na ha idinka jisaa’i siiyo”.Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siir

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS